Venstre oo ugu danbeyn xaqiijiyay inay ku biiri doonaan xukuumada Høyre iyo FRP.

0
168
Trine Skei Grande= Gudoomiyaha Venstre

Xisbiga Venstre ayaa ugu danbeyn maanta xaqiijiyay inay ku biiri doonaan xukuumad reysulwasaare Solberg ee ka kooban Høyre iyo Frp. Venstre ayaa sheegay inay dhinaca dhex-dhexaadnimada usoo dumi doonaan dowlada ay hogaamiso Solberg.

Venstre ayaa lagu wadaa inay sadex ilaa afar wasiir ka helaan xukuumada Solberg. Walina lama xaqiijin wasiirada ay heli doonaan Venstre, balse waxaa lagu wadaa inay kasoo baxaan wadahadalada ay xisbiyadu gali doonaan sanadka cusub kadib.

Go´aanka dowlad ku biirista Venstre ayaa kasoo baxay shir guud oo ay maanta yeesheen golaha dhexe ee xisbigaas.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments