SSB: Caruurta ay soo galootiga dhalaan oo geysta danbiyo ka badan kuwa waalidkood.

0
101
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Waxaa sidii la wada sugayay maanta soo baxday tirokoob cusub oo ku saabsan danbiyada ay galaan dadka soo galootiga ah.

Warbixintan cusub ayaa lagu soo bandhigay in danbiyada ay galaan dadka soo galootiga ah ay 49 % ka badanyihiin danbiyada ay galaan dadka wadanka u dhashay, marka loo fiiriyo tiradooda.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu sheegay in falal danbiyeedyada ay geystaan caruurta ay dhalaan dadka soo galootiga ah ay 151% ka badantahay tan ay geystaan dadka wadanka u dhashay.

Afrika iyo Aasiya:

Soo galootiga kasoo jeedo dalalka Afrika iyo Aasiya, iyo waliba caruurta ay dhalaan, ayaa geysta danbiyo ka badan kuwa soo galootiga kale, sida warbixintan lagu xusay. Waxaana wadamada ay kasoo jeedaan kamid ah Afgaanistaan, Iiraan, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Sidoo kale dadka qoxootinimada ku imaada ama qoys ahaan loogu dacwoodo ayaa iyagana geysta danbiyo badan soo galootiga kale, marka loo fiiriyo tiradooda.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa sheegtay inay rabtay in warbixintan si qeexan loogu sheego wadamada ay kasoo jeedaan dadka danbiyada geysta. Listhaug ayaa sheegtay in wax aad looga yaabo ay tahay in dadka qoxootinimo kusoo galay Norway, helay guri, nolol iyo fursado badan ay geystaan danbiyada ugu badan. Iyada oo sheegtay inay muhiim tahay in shardiga ugu yar ee qofka wadanka imaado looga baahanyahay uu yahay inuu raaco sharciyada Norway u dagsan.

Listhaug ayaa SSB ka dalbaday inay warbixintan sameeyaan, kadib markii ay SSB arintaas ka diiday xubnaha baarlamaanka xisbiga FRP.

Dadka ugu badan ee danbiyada lagu soo eedeeyo Norway ayaa sidoo kale ah dadka soo galootiga ah, marka tiradooda loo fiiiriyo.

SSB ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in danbiyada ay geystaan dadka soo galootiga ay hoos u dhacayeen mudooyinkii ugu danbeeyay.

Xigasho/kilde: SSB.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments