Sh Qaasim Mohamed: Qoraha maqaalkan: Gudoo

Wasaarada dhaqanka ayaa 28-dii bishii sagaalaad ee sanadkan soo jeedisay in isbedel lagu sameeyo sharciyada lagu maareeyo ururada diiniga ah. Waxay dadwaynaha ku dhaqan wadanka usoo bandhigtay wasaarada in laga jawaabo soo jeedintan (høring). Wakhtiga uu soconaayo jawaab celinta dadwaynaha ayaa waxaa uga dambeya 31. bishan disembar. Intaas kadib, sharcigu waxaa lahor gayn doonaa baarlamaanka, waxayna u badantahay in la meel marin doono.

Isebdelkan ayaa loo arki kara inuu yahay isbedelka ugu ballaaran oo siyaasada diiniga ah ee dowlada Norwey weji cusub u yeeleyso. Bulshada muslimiinta ah guud ahaan iyo soomaalida khaas ahaan waxaa laga doonayaa in ay ku buraarugsanaadan dhacdooyinka siyaasadeed oo saamayn ku yeelan karta noloshooda.

Waxaan qoraalkan kusoo koobaya inta uga muhimsan isbedelaada lasoo wado, iyo saameynta aq ku yeelan karo guud ahaan ururada diimaha gaar ahaan soomaalida Norway.

Taariikhda sharciyada diimaha Norway:

Sharcigi asaasiga ahaa ee la dejiyay sanadkii 1814 ayaa waxaa ku qeexan in wadanka Norwey uu leeyahay diin qaran taas, oo ah madhabka masiixiga ah ee ee loo yaqaano «Luthersk evangelisk kirke». Kaniisad qaran oo matasha diintan ayaa jirtay oo loo yaqaano (Den Norske Kirke). Boqorka wadanka iyo uga yaraan kalabar xubnaha golaha wasiirada ayaa laga doonayay inay diintaas aaminsanaadaan oo weliba ay xubno kayihiin kaniisada qaranka (DNK).

Waxaa sharcigaas asaasiga ahaa la bedelay sanadkii 2012. Diinta qaran ayaan laga saaray meesha, laakiin wadanku waxaa weli lagu tilmaamayay inuu yahay mid ku abtirsada dhaqanka madhabka Luthersk Evangelisk. Boqorku shuruudda xubinimada kaniisada qaran lagama daynin, laakiin shuruudi xubnaha golaha wasaaradaha inay xubin ka ahaadan kaniisada qaran meesha ayuu ka baxay. Tani waxay daciifay xiriirkii u dhaxeeyay kaniisadan iyo dowlada dhexe. Kaniisadu waxay noqotay urur u dhigma urur diimedyada kale, laakin qiimayn khaas ah leh.

Dhaqaale ahaan waxey dowladu si toos ah utaakulayn jirtay kaniisada laga soo bilaabo sanadkii 1814. Sanadkii 1969 ayaa sharciga cusub la ansaxiyay, kaa soo sinaya urur diimedyahada kale xaq dhaqaake oo lamida ka kaniisada. Wadanka Norwey waa wadanka keliya oo si toos ah dhaqaale uga bixiya urur diimeedyada wadanka ka diiwan gashan, waxaana uga baxa dowlada dhaqaale aad u badan sanad walba. Waddanka waxaa ka diinwaan gashan ururo diimeedyo farabadan, maareyntooduna waxay u baahan tahay shaqo badan.

Ayadoo la rabo in arintaas la xakameeyo, ayaa waxaa la magacaabay gudi lagu magacaabo Stålsett Utvalg, oo soo baara habka uga wanaagsan oo loo maarayn karo urur diimeegyada sanadkii 2010. Gudiga Stålsett ayaa wuxuu soo bandhigay natiijada baaritaankooda 2013. Waxay soo jeediyeen in lagu xiro dhaqalaha dowlada ay siinayso urur diimedyada da´da xubnaha iyo tiradooda.

Gudiga arintaas loo saaray kuma aysan qeexin soo jeedintooda, waxay ula muuqato da`da iyo cadadka waxay noqonayso. Warbixinta uu soo gudbiyay gudigaas waxba lagama qaban ilaa sanadkan 2017, markay wasiirada dhaqanka iyo diinta oo ay hoos imaadaan ururada diimaha iyo kaniisadaba sheegtay inay dhaqan gelinayso soo jeedinta gudigaas. Soo jeedinta hadda na hortaala arintaas ay daba socotaa.

Si kooban qodobada uga waawayn ee la rabo in wax laga bedelo waxa ay yihiin:

1. Urur diimedyada shuruucda lagu hago, waxay ahaayeen sadex sharci oo ka kooban sharciga kaniisada qaranka (kirkeloven), sharciga ururdiimeedyada kale (Trossamfunnloven) iyo sharciga uru dimeedyada iyo ururada ku wajahan arimaha iimaaniyaadka (Livssynssamfunn loven). Shuruucdan sedexda ah ayaa laga dhigi raba mid keliya, kaniisada oo sharci gooni ah lahaydna la barbar dhigo urur diimedyada kale.

2. Urur diimeed in loo aqoonsado isku imaatin dad badan oo si wadajir ah waxay aaminsanyihiin uga dhaqmi raba. Macnaha diin samaawi keliya maahee, xataa dadka aan waxbo rumeysneyn (Ateister), iyo dadka kaleba in in loo aqoonsan karo urur diimeed.

3. In la joojiyo lacagta ay dowladu ku bixiso xubinimada caruurta. Urur diimeed kasta wuu diiwaan gelin karaa caruur, laakin inta da`dooda ay ka hooseys 15 sano xaq dhaqaalo ay dowladu bixiso ma yeelan doonaan.

4. Waa in urur diimed kasta oo isdiiwan gelinayo lagu xiro xubno ka badan 500 oo qof oo d`doodu ay ka wayntahay 15 sano. Dowladu waxay dhaqaale kubixinaysa ururkii xareeyo 500 xubnood oo ka wayn 15 sano.

5. Sharcigan da`da iyo tirada xubnaha ma khuseeyo kaniisada DNK.

6. Urur diimed caawimaad dhaqaale waa loo diidi karaa hadii ay dhaqaale ka helaan wadama Norwey ay u aqoonsantahay inaysan xuquuqul insaanka ilaalin.

Waxaa kujira isbedelada soo socdo, in shuruuda la xiriirta tirada xubnaha urur diimeedyada, la cafin karo hadday jiraan waxyaabo daruuri ah, sida urur aduunka si fiican looga yaqaano oo tiradooda ay aad u yartaay. Dowladu waxay sheegtay in ay u baaqan doonto dhaqaale ay ku bixin lahaayeen 81 000 xubnood, lacag garaysa ilaa 81 000 000 kr. Dowladu waxay shegtay in lacagtaas dib loogu celin doono urur diimaedyada, laakin looga baahanyahay inay soo codsadaan mashruuc cayama sida howlo dhalinyaro, dhaqan, wacyigelin iwm.

Maxay tahay saamaynta ay arintan soomaalidu ku yeelan karto?

1. Soomaalidu waxay aas aaseen ururo badan oo ay isugu jiraan kuwo haysto tira fiican iyo qaar aan buuxineyn shuruudaha cusub. Arintan waxaa lagu arki karaa hal magaalo oo ay deganyihiin tiro kooba. Waxaa kale oo lagu arkay deegaanada qaar in khilaaf uu ka dhex dhaco goob cibaado, taasna ay keento in qaar caroodaan oo ay furtaan xarun kale. Xubnaha ayaa dhacda in laisku qab qabsado oo xiisad ay ka dhalato. Waxay soomaalidu aad ay ugu mashquulsanyihiin, sidii loo furi lahaa goobo cibaado oo cusub, iyada oo goobihii hore aysan xogaysan. Waxaa laga yaabaa arintan inay ku luga leedahay qabiil ama tartan shakhsiyeed. Waxaa la saadaalin karaa in goobo badan ay xirmi doonaan hadii aan laga sii tashan sidi dhaqaale looga heli lahaa. Khaas ahaan waxay aad u taabanaysaa tuulooyinka yaryar. Waa lagama maarmaan in laga fikiro sidii aan isu kaalmaysan laheen oo aan uga fogaano kala qaysanaanta. Goobaha tirada badan oo hal magaalo ka furan waa in laga wada hadlaa sidoo laisku soo dhoweyn lahaa, ayadoo ixtiraam iyo daryeel walaaltinimo ku dhisan lagu salaynayo.

2. Waxay noqon kartaa arin wanaagsan in la dhaqangeliyo sharciyadan cusub haddi an kafiirino dhanka iskaashatada ama midnimada. Inkastoo ay iska adagtahay in soomaali ay midoowdo, shuruudahan ayaa keeni karaa in lama huraan ay noqoto in la wada shaqeeyo oo la isku dulqaato. Xarumaha aan la xisaabin karin oo meelo badan ka dhisan ayaa dhici karta inay tiradoodu yaraato. Dowladana danta ay ka leedahay oo lagu qeexay soo jeedintooda ayba ka mid ah in la yereeyo ururada diiniga ah.

3. Dhaqaalaha dowlada laga sugo waxay keentay in muslimiinta ay isku haleeyan dowlada oo ay jeeb kooda masuugaan. Maraakista islaamiga ah iyo xarumaha cibaadada oo dhan kuma jiraan kuwo kutiirsan dhaqaale xubnaha laga qado. Haddii aan la jaan qaadno waaqica cusub, waxaan laga fursan doonin in goobaheena cibaadada aan anaga u istaagno oo aan dhaqaale ku bixino.

4. Tani waxay aasaas u tahay madax banaanida ummada. Dowlada haday dhaqaale meel kubixiso, waxaa la socdo mar walba shuruud iyo farelin howlaha xaruumaha lagu cibaadaysto. Wadamada nagu hareeraysan sida Sweden, Denmark, Finland iyo Ingriiska muslimiinta ayaga aya ku bixiya dhaqaale jeebkooda ah. Wayna u madax banaanyihin howlahooda guud. Anaga inan sidaas u fikirna ayay noqonaysa mustaqbalka haddi aan rabno inaan diinteena iyo dhaqankeena aan ilaalsano. Mahadsanidniin

W.q: Sheikh Qaasim Maxamed Aden: Gudoomiyihii hore ee masaajidka Bergen


Wixii qoraal, maqaal ama fikir ah, waxaad noogu soo diri kartaa: NorSomNews@gmail.com

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of