Record cusub: Sanadkan 2017, waxaa NorSom News lasoo booqday 5,6 milyan oo jeer!: Mahadsanidiin

0
251

NorSom News oo aan aas-aasnay sanad iyo todobo bilood kahor ayaa sanadkan 2017-ka dhigtay rekord cusub oo dhanka dadka akhrista ama ku xiran bogeena internetka ah. Sida aad ka arki kartaan shaxda iyo sawirka kore, waxaa sanadkan 2017-ka NorSom News lasoo booqday 5,6 milyan oo jeer, waxaana soo booqday dad tiro ahaan dhan 409.000 qof. Isku cel-celis waxay booqashadu bishii noqoneysaa nus milyan wax ku dhow.

Norway oo aan inta badan xooga saarno(maadaama aan halkan deganahay) ayaa ah wadanka ugu badan ee NorSom News laga akhristo. 80% dadka NorSom ku taxan, waxa ay deganyihiin Norway, waxaana soo raaca Sweden, Soomaaliya iyo Denmark. Sawirka ka fiiri liiska wadamada.

Sanadka 2018: Qeybo cusub. 

Waxaan hadii uu eebe idmo sanadka cusub ee 2018-ka NorSom News kusoo kordhin doonaa qeybo cusub oo warbaahineed. Qeybtii danbe ee sanadkan 2017-kan waxaan si tijaabo ah u bilowney barnaamijyo muuqaal LIVE ah oo ku saabsan wacyagalinta bulshada. waxaana ka helnay jawaab celin fiican, waana sii xoojin doonaa.

Waxaan sidoo kale soo dhawaan soo kordhin doonaa qeyb magazine ah oo aan wareysiyo toos ah kula yeelano hey’addaha dowlada ee sida gaarka ah saameynta ugu leh soomaalida.

Waad ku mahadsantihiin kalsoonida: wixii khalad ah waa raali-galin

Inkasta oo aan isku dayeyno inaan 100% tifaftirno, hadana waxaa hubaal ah inay jiri karaan khaladaad dhanka wararka, qoraalka ama tifaftirka ah. Hadii aad rabto inaad nala wadaagto fikir ama qoraal, waxaad noogu soo gudbin kartaa NorSomNews@gmail.com.

Anaga oo isku duubaan, waxaan akhristayaasheena u rajeyneynaa sanad cusub iyo nolol cusub, waad ku mahadsantihiin kalsoonida.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments