Oslo: Dhalinyaro reer Afgaanistaan ah oo maxkamada Oslo dowlada kaga guuleystay kiis ku saabsan baaritaanka da´da.

0
152

Shan dhalinyaro ah reer Afgaanistaan ah ayaa dowlada Norway, gaar ahaan hey´adda UNE maxkamada Oslo kaga guuleystay kiis ku saabsan baaritaanka da´da ee raajada iyo computerka la adeegsanayo.

Dhalinyaradan ayaa Norway yimid sanadkii 2015, waxeyna sheegeen inay da´ahaan jiraan 15 ilaa 16 sano. Balse baaritaanka da´da kadib ayay dowladu sheegtay inay ka weynyihiin da´da ay sheegteen, waxaana sidaas lagu siiyay diidmo.

Maxkamada Oslo ayaa shaley xukuntay in go´aanka  qiimeynta da´da ee saldhiga looga dhigay baaritaanka cusub, uusan aheyn mid sax ah sharci ahaan, waxeyna maxkamada kiiska u xukuntay shanta wiil ee reer Afgaanistaan.

Hey´adda UNE ayaa dhankeeda sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xukunka maxkamada.

Baaritaanka da´da ee la adeegsanayo raajada ayaa ah mid uu wali muran badanyahay ka taaganyahay saxnimadiisa iyo waliba in lagu kalsoonaan karo. Balse dowlada Norway ayaa wali adeegsato, kuna qiimeyso da´da dhalinyarta sheegata inay ka yaryihiin 18 sano.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments