Mucaaradka oo Listhaug ku eedeynayo ineysan fulin go´aan ay baarlamaanka meelmariyeen.

0
104
Photo: Ze'ev Yanai

Lix isbuuc kahor ayuu baarlamaanka Norway meelmariyay go´aan ah in la joojiyo dhalinyarada reer Afgaanistaan ee wadankoodii loo tarxiili lahaa, isla markaana la siiyo jaanis cusub oo mar kale lagu qiimeeyo baahidooda magangalyo.  Baarlamaanka ayaa isku raacay in la xayuujibiyo wareegtada magangalyada kumeel gaarka ah lagu siiyay magangalyada, isla markaana la siiyo jaanis cusub.

Mucaaradka ayaa wasiirada soo galootiga dalka Norway, Sylvi Listhaug ku eedeynayo ineysan wali fulin go´aankii uu baarlamaanku meelmariyay lix isbuuc kahor, sida uu qoray wargeyska Klassekampen.no. 

Rigmor Aasrud oo Ap katirsan ayaa sheegtay in wax lala yaabo ay tahay in wasaaradu aysan wali dareemin in wareegtadaas aysan sii shaqeyn karin, go´aanka baarlamaanka kadib.

Kjersti Toppe oo Sp katirsan ayaa iyadna sheegtay inaan wax muraa-marsiyo ah aan loo heynin inaan wali la dhaqan-galin go´aan cad oo baarlamaanka kasoo baxay.

Karin Andersen oo SV katirsan ayaa iyadna dhankeeda Erna Solberg inay qaadato masuuliyada arintan ayna booskeeda ku celiso Listhaug.

Listhaug ayaa horaantii bishan baarlamaanka u dirtay liiska su´aalo ay baarlamaanka kaga dalbaneyso inay sharaxaan qaabka uu baarlamaanku rabo in loo dhaqan-geliyo qodobadaas. Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday inay ka jawaabaan su´aalaha Listhaug, waxeyna ugu baaqeen inay shaqadeeda qabsato, ayna fuliso go´aanka baarlamaanka.

Xigasho/kilde: Klassekampen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments