(Video)-Minnesota: Cabdi Warsame oo markale ku guuleystay kamid noqoshada golaha deegaanka Minneapolis

0
169

Siyaasiga soomaali-mareykanka ah ee Cabdi Warsame ayaa xaley markiisii labaad ku guuleystay kamid noqoshada golaha deegaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga degmada 6-aad ee Minneapolis.

Cabdi waxaa Tartan adag kula jiray siyaasiga kale ee soomaaliga ah, Maxamuud Nuur oo sida muuqatay taageero xoogan ka helayay Ilhaam Cumar oo kamid ah baarlamaanka gobolka Minnesota.

Dad badan ayaa horey u saadaalinayay in Cabdi uu mar labaad soo bixi doono, maadaama uu taageero xoogan ka heystay soomaalida ku dhaqan Minneapolis.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments