Sweden: Kooxda Daacish oo hanjabaad usoo dirtay siyaasi soomaali ah oo Sweden ku dhaqan.

0
171

Abshir Osman oo ah siyaasi soomaali ah oo ku dhaqan dalka Sweden, isla markaana katirsan xisbiga Moderatka ayaa sheegay in dhalinyaro ka tirsan ururka Daacish ay usoo direen fariimo hanjabaad ah.

Siyaasigan ayaa sheegay in loo soo diray fariimo looga hanjabayo inuu sameeyo waxa ay kooxdu rabto ama uu ilaahay la kulmi doono(hanjabaad dil). Wuxuuna raaciyay in fariimahan loo soo mariyay baraha bulshada ee internetka.

Hanjabaadan ayaa timid kadib markii Abshir Osman uu warbaahinta Sweden sanadkii 2015 ka sheegay inay jiraan dhalinyaro taageera ururka Daacish oo ku sugan dalka Sweden.

Siyaasigan ayaa sheegay in tan iyo markii uu la kulmay hanjabaadahaas uu dareemayo culeysyo, balse aysan wax weyn iska badalin howlihiisa maalmeed ee caadiga ah ama kamid ahaanshihiisa siyaasada Sweden.

Xigasho/kilde: SVT.SE

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments