Oslo: Soomaali lagu qabtay kiilooyin qaad ah garoonka diyaaradaha Oslo ee Gardermoen

0
148
Foto: Tollvesenet

Sida ay sheegeen booliska ilaaliya garoonka diyaaradaha ee Gardermoen, waxey shaley 61,6 kiilo oo qaad ku qabteen labo nin oo midkood uu yahay soomaali heysta dhalashada dalkan Norway. Halka kan kalena uu ahaa nin heysto dhalashada dalka U.K.

Booliska ayaa sheegay in abaare 12-kii shaley oo sabti ah ay nin heysto dhalashada U.K ay ku qabteen 40 kiilo oo qaad ah, halka saacad kadibna ay qabteen qaad kale oo dhan 20 kiilo iyo dheeraad.

Ninkan soomaaliga ah ee heysta dhalashada Norway ayay boolisku sheegeen inay kusoo eedeyn doonaan ku qabashada qaadka.

Xigasho/kilde: EUB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments