Listhaug: Waxaan isbadal ku sameyn doonaa xeerarka ceyrta(sooshiyaalka).

0
146
Listhuag

Warbixin cusub oo dhawaan soo baxday ayaa lagu ogaaday in tirada dadka soo galootiga ah ee qaata ceyrta ama sooshiyaalka ay ku timid kor u kac dhan 30% afartii sano ee ugu danbeysay. Arintan ayaa la sheegay inay xiriir la leedahay in tirada dadka soo galootiga ah ay si aad ah kor ugu kacday.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, ayaa sheegtay in arintan ay tahay mid aan sii socon karin, ayna muhiim tahay in dad badan oo soo galooti ah ay soo galaan suuqa shaqada, si ay isku filnaansho dhaqaale u gaaraan. Sidaas darteed ayey sheegtay in loo baahanyahay in isbadal lagu sameeyo xeerarka soo galootiga.

Listhaug ma aysan nooca isbadal oo ay rabto inay sameyso, balse waxey uun carabowday inay muhiim tahay in la sameeyo isbadal.

Tirada dadka u dhashay wadanka ee qaata lacagta ceyrta ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac dhan 40%.

Xigasho/kilde: Åsavisen.no,  Sunnmoringen.no, DP

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments