Ilaaliye xabsi oo norwiiji ah: Waalidiin soomaali ah oo lacag ku bixiya in caruurtooda loogu xiro xabsiyo kuyaal Soomaaliya.

0
114

Waxaa wali isa soo taraya, marbana waji cusub yeelaneysa dood ka dhalatay warbixin uu NRK ka diyaariyay dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo Soomaaliya loo dhaqan celiyay, sheegeyna inay jirdil lasoo kulmeen.

Nin lagu magacaabo Rune Greve oo ah xabsi ilaaliye ayaa sheegay inay jiraan caruur soomaali ah, kuwaas oo ku xiran xabsiyo kuyaalo Soomaaliya. Waxuuna raaciyay in waalidkood ay lacag bixiyeen si caruurtaas loogu xiro, kadib markii ay sameeyeen waxyaabo aysan waalidku ku qanacsaneen.

Ninkan oo norwiiji ah ayaa booqasho ku tagay xabsi loogu tala galay burcad badeeda, kaas oo kuyaal magaalada Gorowe. Wuxuuna sheegay inuu halkaas kusoo aragay dhalinyaro soomaali ah,  heystana dhalashada dalkan Norway oo xabsiyo ku xiran. Waxuuna raaciyay in waalidkood ay lacago siiyeen xaakimka maxkamada, si loogu xukumo.

Puntland: Wax ka jiro maleh

Wasaarada cadaalada dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa NRK u sheegtay ineysan jirin dhalinyaro ku xiran xabsiyada Puntland, kuwaas oo ay waalidkood lacag ku bixiyeen in la xiro. Waxeyna sheegeen inay leeyihiin sharciyo iyo qawaaniin, qaabkaasna aysan dadka u xirin.

Sidoo kale madaxda xabsiga la sheegayo inay ku xiranyihiin dhalinyaro soomaali norwiiji ah ayaa iyagana dhankooda arintaas beeniyay, waxeyna sheegeen ineysan jirin dad heysta dhalashada wadan Yurub ah oo halkaas ku xiran.

Wasaarada arimaha dibada Norway ayaa dhankooda sheegay inay ka warqabaan dhowr qof oo heysta dhalashada Norway oo ku xiran xabsiyo kuyaal Soomaaliya.

Xigasho/kilde: NRK, NETTAVISEN

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments