Denmark: Soomaali usoo dagaalamay Daacish oo dhalashada Denmark lagala noqday

0
202

Maxkamada sare ee dalka Denmark ayaa xukuntay in dhalashada Denmark lagala noqdo, lana musaafuriyo labo nin oo heysta dhalashada dalkaas, kuna eedeysnaa inay usoo dagaalameen ururka daacish. Labadan nin ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Maxkamada ayaa nimankan ku heshay danbi ah inay kamid ahaayeen, una soo dagaalameen ururka sheegta khilaafada islaamiga ah ee Daacish. Waxaana sidoo kale lagu xukumay in laga musaafuriyo dalka Denmark, dibna aysan ugu soo noqon karin, marka ay dhameystaan xukunka xabsiga ah ee hada u socdo.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments