26 qof oo ku dhintay weerar toogasho ka dhacay Maraykanka

0
153

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay, 20 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay kaniisad ku taala gobolka Texas ee dalka Mareykanka, xili ay dadka kaniisadaas ku sugnaa ay ku jireen cibaado.

Weerarkan ayaa ka dhacay kiniisad ku taala Sutherland Springs oo ah magaalo yar oo ka tirsan deegaanka Wilson. Dadka dhintay da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 sano ilaa 72 sano.

Ninkii looga shakisnaa inuu ka danbeeyay weerarkan ayaa markii dambe laga helay gaarigiisii uu watay dhexdiisa, waxaana la sheegayaa inuu isagu gacantiisa isku dilay.

Booliska Mareykanka ayaa ninka weerarka gaystay ku sheegay «nin da’yar oo caddaan ah» oo kali ah, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa soo tabinayo in magaca ninkan uu Devin Patrick Kelley oo 26 jir ah. Waxaana la sheegay inuu horey uga tirsanaa ciidamada cirka ee dalka Mareykanka, kahor inta aan laga ceyrin sanadkii 2014.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments