VG: 443 dhalinyaro ah ayaa ka baxsatay kaamamka qoxootiga Norway.

0
150

443 dhalinyaro ah oo kamid ah 913 dhalinyaro ay dowlada Norway siisay  magangalyo kumeel gaar ah, ayaa ka baxsaday kaamamka qoxootiga Norway tan iyo markii ay Norway bilowday bixinta magangalyada ay waqtigu ku xirantahay. Magangalyada kumeel gaarka ah ayaa ka dhigan inay dhalinyaradan magangalyo heystaan inta ay ka buuxinayan da´da 18-ka sano, kadibna dib u qiimeyn lagu sameyn doono mar kale magangalyadooda.

Hey´adahaha NOAS iyo Redd Barna ayaa dhalaaceyn aad u balaaran u jeediyay qaabka ay UDI-du ugu shaqeyso kiisaska dhalinyaradan. Waxeyna UDI-da ku eedeeyeen in aysan si dhab ah u fiirin baahida qofka ee dhalinyaradan magangalyo doonka ah.

Ilaa hada 73 qof oo kamid ah 913 dhalinyaradan heshay magangalyada ayaa ugu danbeyn si qasab ah ama iskood ah wadankoodii ugu noqday wadankoodii, kadib marka ay buuxiyeen da´da 18-ka sano. Halka 443 ay ka baxsadeen kaamamka, inta aan wadankoodii lagu celin.

Xisbiyada Høyre iyo Frp ayaa aaminsan in qorshaha magangalyada kumeel gaarka ah ay keentay inay yaraatay tirada dhalinyarada magangalyada soo weydiisaneysay wadankan Norway.

Hey´ada Amnesty ayaa dowlada Norway ku eedeysan inay jabineyso xeerka xuquuqul insaanka, hadii ay xiligan dad ku celiso dalka Afgaanistaan oo hada colaado ka jiraan. 

Xisbiyada SV, Rødt iyo MDG ayaa soo jeediyay in dowlada Norway ay si kumeel gaar ah u joojiso dadka lagu celinayo xiligan dalka Afgaanistaan, balse waxaa soo jeedintaas diiday xisbiga Ap oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments