Stocklom: Nin soomaali ah oo mindi lagu dilay

0
118
FOTO: P-O SÄNNÅS

Aroornimadii khamiisti shaley, waxaa magaalada Stocklom mindi lagu dilay nin sodomeeyo jir ah, kaas oo ay boolisku sheegeen inuu dilay qof ka baxsaday meesha uu dilka ka dhacay. Falka ayaa ka dhacay xaafada ay soomaalidu ku badantahay magaalada Stocklom ee Tensta, waxaana NorSom News ay ka xaqiiqsatay soomaalida xaafadaas degan in marxuumka geeriyooday uu ahaa soomaali.

Booliska ayaa shaley sheegay ineysan wali ku guuleysan soo qabashada qofkii falkaas ka danbeeyay, balse waxey sheegeen in aaga uu falku ka dhacay ay ku xiranyihiin Kaamirooyin badan, ayna rajeynayaan inay gacanta kusoo dhigaan qofkii falkaas ka danbeeyay.

Marxuumka dhintay ayaa isbitaalka la geeyay isaga oo dhaawac ah, halkaas oo boolisku ay markii danbe sheegeen inuu ku geeriyooday.

Qaar kamid ah wargeysada Sweden ayaa qorayo in falkan dilka ah uu xiriir la leeyahay dhacdo kale oo dhamaadka sanadkii hore lagu dilay labo wiil soomaali ah, isla markaana walaalo ahaa.

 

Xigasho/kilde: Aftenbladet.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments