Meydka sadex haween Ereteriyaan ah oo laga helay gurigooda oo kuyaal xaafada Romsås.

0
202

Meydka sadex haween ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Ereteriya ayaa bilowgii isbuucan laga helay gurigooda oo kuyaal xaafada Romsås ee magaalada Oslo. Haweenkan ayaa ahaa hooyo iyo labada gabdhood oo ay dhashay.

Meydka haweenkan ayay boolisku sheegeen inuu guriga kujiray in mudo ah, iyada oo aan laga warqabin. Waxeyna boolisku raaciyeen inay dhici karto in haweenkan ay mudo bilo kahor ah ay geeriyodeen.

Dadka dariska la ah haweenkan ayaa sheegay inay dumarkan ahaayeen kuwo aan xiriir weyn la laheyn dariska iyo qowmiyada ay kasoo jeedaan ee Ereteriyaanka.

Dariska ayaa booliska ku wargaliyay arintan, kadib markii ay in mudo ah sheegeen inay dhibsadeen ur guriga kasoo baxeyso. Sidoo kale xafiiska hey´ada NAV ayaa tabay haweenkan, waxeyna shaki ka muujiyeen maqnaanshahooda. Booliska ayaana jabiyay albaabka guriga, halkaas oo loogu tagay meydka sadexdan haweenka ah oo in mudo ah guriga ku huursanaa.

Waxaa jirto in magaalada Oslo ay gashay war qaldan oo ku saabsan in dumarkaas ay ahaayeen soomaali, laakiin waxaa hada muuqato in warkaas uu ahaa mid aan sax aheyn. Isla markaana ay dumarkaas dhalasho ahaan kasoo jeedaan Ereteriya.

Xigasho/kilde: NRK 1, NRK 2 NRK 3

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments