Listhaug: Qoxootiga dhan halagu xareeyo hal xero oo weyn, jawaabna haku helaan 3 isbuuc gudahood.

0
168

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay in dowladeedu ay rabto inay isbadal weyn oo dhinacyo badan leh ay ku sameyso qaabka loo qaabilo soo galootiga, iyo qaabka go´aanka looga gaaro codsigooda magangalyada.

Listhaug ayaa sheegtay inay rabto in dhamaan qoxootiga wadanka imaado la isugu geeyo, laguna xareeyo xero weyn oo kutaal degmada Råde ee gobolka Østfold. Halkaasna jawaab lagu siiyo sadex isbuuc gudahood, si deg-deg ahna wadanka looga saaro kuwa diidmada ka hela codsiga magangalyada. Waxeyna sheegtay in ujeedku ugu weyn uu yahay in 80% qoxootiga wadanka imaado ay jawaab ku helaan 3 isbuuc gudahood.

Wasiiradan ayaa jeedisay in albaabada loo laabo tobanaan xero oo yar-yar oo kuwa dadka lagu soo dhaweeyo ah, isla markaana halkaas xero ee weyn laga dhigo xarun qoxootiga lagu qaabilo. Loona sameeyo goobo caafimaad oo yar-yar, meel ay caruurta ku ciyaaraan  iyo dhamaan waxyaabaha kale ee ay u baahan karaan qoxootiga wadanka ku cusub.

Listhaug ayaa sidoo kale rabta in wada shaqeyn hoose ay dhexmarto booliska iyo UDI-da, si loo ogaado wax walba oo qofka ku saabsan inta aan go´aan laga gaarin kiiskiisa. Waxeyna sheegtay inay ka cabsi qabto inay qoxootiga kusoo dhexdhuuntaan dadka kasoo cararaya kooxda sheegata khilaafada islaamiga ah ee Daacish.

Qorshaha Listhaug oo kooban ayaa qaabka ah:

  1. In dhamaan qoxootiga wadanka magangalyada soo weydiisto lagu xareeyo xero weyn oo kutaal gobolka Østfold. Lana xiro xeryaha kale ee yar-yar ee wadanka daafihiisa ku teedsan.

  2. In qofka inta uu xeradaas kujiro(wadanka uusan gudaha usoo galin) lagu sameeyo baaritaan adag oo kor iyo hoos ah, lana baaro boorsooyinka uu watay iyo dhamaan waxyaabaha kale ee aqoonsigiisa muujin kara. Shaqadan ayaa waxaa qaban doono booliska, kahor inta aysan UDI-du kiiska qofka soo galin.

  3. In dabagal dheeri ah lagu sameeyo wadada uu qofkaas soo maray, waxyaabaha uu baraha bulshada ku qoray iyo waraaqaha aqoonsiga uu wato. Kadibna baaritaan lagu sameeyo caafimaadkiisa iyo waxyaabaha kale oo ay boolisku u baahan karaan.

  4. In intaas kadib, iyada oo qofka waxyaabo kale laga ogyahay loogu yeero wareysiga codsiga magangalyada. Waxaana xooga la saari doonaa aqoonsiga qofka iyada loo fiirinayo amniga wadanka, baahidiisa magangalyo iyo inuu wadanka dhexgali karo ama dalkiisii lagu celin karo.

  5. in 80% dadka xeradaas soo galo ay jawaab ku helaan mudo sadex isbuuc gudahood ah. 20% soo hareyna ay boolisku iyo UDI-da kasii wada shaqeeyaan, hadii ay jiraan waxyaabo aan wali cadeyn.

  6. In marka qofka go´aan laga gaaro kadib uu sadex meelood midkooda la geeyo: a) In wadankiisii lagu celiyo sadex isbuuc gudahiis, hadii uu diidmo ka helo codsiga magangalyada(isaga oo aan Norway gudaha usoo galinba diyaarad lasii saaro) b) in dadka hela magangalyada la geeyo xero qoxooti oo ay ku sugayaan deegaan dib u dajin u sameeyo iyo c) in qofka si toos ah loo dejiyo kommune ama deegaan.

  7. Muhiimada qorshaha Listhaug ayaa ah in qofka uusan xeradaas kasoo bixin, iyada oo aan go´aan laga gaarin kiiskiisa.

Venstre oo taageersan:

Xisbiyada mucaaradka wali kama aysan hadlin qorshaha Listhaug, balse xisbiga ay bah wadaagta yihiin Frp ee Venstre ayaa sheegay inay la dhacsanyihiin qorshahan cusub oo Listhaug soo bandhigtay, ee ku saabsan in qofka sadex isbuuc gudahood jawaab lagu siiyo.

Qorshaha Listhaug ayaa kusoo aadayo iyada oo aad u yaraatay tirada dadka magangalyada weydiisto Norway. Waxaa isbuucyo kahor la sheegay in shaqada laga ceyrin doono dad kor u dhaafayo 200 oo shaqaale UDI-da katirsan ah, maadama ay aad u yaraadeen tirada dadka iska soo dhiibo Norway.

Inkasta aysan hada jirin sabab keeni karta siyaasad adag oo soo galootiga lagu wajaho, maadaama aysan jirin cid wadanka hada imaataba, hadana Frp iyo Listhuag oo ku caan ah  ayaa aaminsan faanoole fari kama qodna.

Xigasho/kilde: Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments