Golaha deegaanka Oslo oo dhaqaale ku taageeray xarun lagu daaweeyo dadka sharci la´aanta ah.

0
177

Golaha Deegaanka magaalada Oslo ayaa isku raacay in lacag dhan 400.000 NOK lagu taageero xarun caawin caafimaad lagu siiyo dadka sharci la´aanta ku ah magaalada Oslo, kuwaas oo sababo xaga sharciga ah dartood aan loo ogoleyn inay booqdaan xarumaha caafimaadka caadiga ah.

Xaruntan oo ay si wadajir ah u wadaan shaqadeeda Kirkens bymisjon iyo Rødekors ayaa golaha deegaanka Oslo ka codsatay lacagtan, si ay xaruntaas ugu maamulaan sanadka soo socdo ee 2018-ka. Ilaa 900 qof ayaa sanadkan lasoo  caawimaad ka helay xaruntan, waxaana ka howlgala dad ku shaqeeyo si iskaa wax u qabso ah.

Dad lagu qiyaasay 18 000 oo aan sharci la´aan ah ayaa kunool Norway, sida ay sheegtay wakaalada xog uruurinta ee SSB. Dadkan ayaa u badan dad diidmo ka helay codsiga magangalyada, balse sababo kala duwan owgood aan ka bixi karin Norway.

Halkan ka fiiri macluumaadka xaruntan. 

Xigasho/kilde: VårtOslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments