Cudur oo aan la aqoon oo ku dhaca caruurta qoxootiga ah ee kunool dalka Sweden

0
185

Muddo 20 sano ah dalka Sweden waxaa lala tacaalayay cudur aan la aqoon waxa uu yahay, balse ku dhCA carruuraha dadka soo galootiga ah oo kaliya. Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa sababta Sweden ku kali yeeshay cudurkan.Xanuunkan ayaa waxa uu ilmaha ku sababaa in ay socon waayaan, hadli waayaan ama ayba indhaha kala furi waayaan. Wuxuuna ilmuhu noqonayaa sidii qof maahsan oo kale.

Carruurtan waxaa ka mid ah gabadh 9 jir ah oo lagu magacaabo Sophie, indhaha waa daboolanyihiin , waxaana lagu wadaa gaariga curyaanka, waxaana lagu quudiyaa tuubo sanka laga galiyay. Sophie iyo qoyskeeda waxa ay Sweden galeen sanadkii 2015-kii, iyaga oo ka yimid dalalkii horey la’isugu oran jiray Midowga Soviet.

Dr Elisabeth Hultcrantz oo baartay gabadhan ayaa sheegtay in ay aad uga walaacday in Sophie aysan afkeedaba kala furin, waxayna intaas ku dartay in sanka laga quudinayo ay dhibaato u horseedi karto.

Dhaqaatiirta carruurtan daweeya ayaa waxa ay sheegeen in sababaha ugu waaweyn ee ay carruurtan u maahsanyihiin ay tahay tiiraanyo badan oo ay la kulmeen, ayna goob joog ka ahaayeen waxyaabo badan oo aysan xamili karin maskaxda ilmaha oo ah mid aan wali bislaan.

Qoyska Sophie ayaa dhibaatooyin badan kula soo kulmay wadada, waxayna markii ay Sweden tageen taas horseeday in gabadhan yar ay aad u xanuunsato.

Xanuunkan miyir daboolanka oo kale ah waxaa markii koowaad lagu arkay Sweden horaantii sanadihii 1990-naadkii, waxaana la diiwaangaliyay illaa 400 qof oo qaba intii u dhaxay 2003-dii illaa 2005-tii.

Arrintan xanuunka ilmaha qaxootiga ah ayaa noqotay mid siyaasadeed, waxaana soo baxay warar sheegaya in carruurtan ay jilayaan xanuunka, ama waalidkood ay sun siinayaan si ay u helaan degenaansho. Carruurta waa kuwa badankood Sweden ku noolaa sanado dhawr ah, lana qabsaday nolosha dalkaas, xitaa ku hadla Afka Swedish-ka.

Dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in xanuunkan aanan laga heli meel ka baxsan Sweden. Ma jiro wax cilmi-baaris ah oo lagu sameeyay xanuunkan iyo waxa sababa, mana la oga in la kala qaado iyo in kale.

Qoyska Sophie waxa ay ka mid yihiin muhaajiriinta loo diiday codsigooda magangalyo doonimo, waxaana kaliya la siiyay fiiso 13 bilood ah, kaas oo ka dhacaya bisha Maarso ee sanadka soo socda.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments