Canada: Soomaali qoxootinimo ku galay Canada oo weerar ku dhaawacay shan qof

0
222

Nin Soomaali ah oo da´diisa lagu sheegay 30-sano jir, isla markaana qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada ayaa loo soo xiray weerar  ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta, kaas oo oo shan qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen laamaha amniga ee magaalada Edmenton.

30 sano jirkaan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa looga shakisan yahay inuu toori galiyay nin booliis ah, uuna maalintii Sabitada dhaawacay afar qof oo kale oo marayay wadada hareeraheeda.

Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada bauurta gawaarida galeysay ama kasoo baxeysay garoon lagu ciyaariyay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, markii lagu dhutfay gaari xawaare sare ku socday, kadibna lagu weeraray mindi.

Reysul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku tilmaamay ‘weerar argagixiso’.

Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninkan soomaaliga ah ee la tuhunsan yahay lasoo taagi doono maxkamad, wuxuuna wajihi doonaa eedeyno la xiriiro argagaxiso iyo iskuday dil.

Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ninka uu ahaa qof ay boolisku horey u yaqaaneen.  en. Sida ay sheegeen warbaahinta lokalka ee Edmenton, calan ay leeyihiin kooxda isugu yeerta dowladda islaamiga ee Daacish ayaa laga helay gaarigii lagu dhuftay askariga booliiska.

Xigasho/kilde: Thegurdian.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments