Abid Raja oo gudoomiye ku xigeen baarlamaan loo doortay!

0
114
foto: Stortinget

Baarlamaanka Norway ayaa sabtidii lasoo dhaafay sameystay gudoonka hogaamin doono iyo gudiyada baarlamaanka ay u qeybsami doonaan.

Olemic Thommessen oo katirsan xisbiga Høyre, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha baarlamaanka Norway, halka Magne Rommetveit oo katirsan Ap loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad.

Abid Raja oo ah siyaasi uu asalkiisu Pakistani yahay, isla markaana katirsan xisbiga Venstre ayaa kamid noqday gudoonka baarlamaanka Norway, waxaana loo doortay gudoomiye ku xigeenka 5-aad ee baarlamaanka.

Olemic Thommessen oo ah madaxweynaha baarlamaanka ayaa dastuuri ahaan ka awood badan reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo ah reysulwasaaraha Norway, marka loo fiiriyo awood siyaasadeed. Laakiin maadaama ay xukuumadu tahay golaha fulinta, waxaa shaqo ahaan saameyn badan reysulwasaaraha.

Qowmiyadan Pakistaanida oo tiro ahaan ka yar soomaalida ayaa sadex xildhibaan ku leh baarlamaanka Norway, iyada oo hada mid kamid ah uu kamid noqday gudoonka baarlamaanka.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments