UDI: Waxaan dib u dhiska ka caawinaa hey´ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.

0
87
Foto: Radio-Muqdisho Maxamed Aaden Jimcaale "Koofi" iyo Frode Fong.
Foto: Radio-Muqdisho
Maxamed Aaden Jimcaale «Koofi» iyo Frode Fong.

Hey´ada laanta socdaalka dalkan Norway ee UDI-da ayaa sheegtay inuu xiriir fiican kala dhaxeeyo hey´ada jinsiyadaha iyo socdaalka dowlada Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka siiso howlaha dib u dhiska iyo nidaamka shaqo ee hey´adaas. Arintaasna ay qeyb ka tahay mucaawinada iyo taageerada guud oo ay  dowlada Norway ku taageerto Soomaaliya.

Knut Holm oo katirsan UDI-da oo ka jawaabayay su´aal ay NorSom News ku weydiisay kulankii ay UDI-du la qaadatay soomaalida ayaa sheegay in Norway ay howlo kala duwan oo horumarin iyo taakuleyn ah ay ka wado Soomaaliya, uuna xiriir fiican kala dhaxeeyo dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo hey´adaheeda kala duwan. Isaga oo raaciyay inay sidoo kale howlaha socdaalka iyo jinsiyadaha ay ka caawiyaan qaar kamid ah maamulada ka dhisan Soomaaliya, sida Puntland iyo Somaliland.

Wuxuu raaciyay in shaqaalaha hey´adaha jinsiyadaha iyo socdaalka ee dowlada Federaalka iyo maamuladaas kor ku xusan ay siiyaan tababar iyo aqoon kororsi ku saabsan howlaha shaqo ee socdaalka iyo jinsiydaha.

Ma jiro wax heshiis dib u celin ah:

Knut ayaa sidoo kale NorSom u sheegay inuusan jirin wax heshiis dib u celin ah oo dhexmaray ama ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Norway, balse ay Norway dad si qasab ah ugu celiso Soomaaliya. Sanadkan 2017 ayuu sheegay inay Soomaaliya ku celiyeen 7 qof. Arintaasna ay tahay shaqada laanta booliska ee PU-da, UDI-duna aysan si toos ah arintaas uga shaqeynin.

Dhanka kale wuxuu sheegay inuu jiro barnaamij dib u celin ah oo qofkii rabo dib loogu celiyo Soomaaliya, arintaas ay Norway la kaashato hey´ada Danish Refugee Council. Isla markaana qofk lagu caawiyo dhaqaale uu nolol cusub ku sameysto ama la baro farsamo uu ku shaqeynsan karo.

Wafdi ka socdo hey´ada socdaalka, uuna hogaaminayo madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aden Koofil ayaa xagaagan booqasho ku yimid Norway. Waxeyna kulamo la qaateen shaqaalaha hey´ada UDI-da.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments