SV oo loo doortay xisbiga ugu olole fiicnaa doorashadan.

0
170
Foto: Marius Nyheim Kristoffersen

Xisbiga SV ayaa loo doortay inuu ahaa xisbiga ugu ol-ole fiicnaa doorashadan 2017 ee baarlamaanka Norway. Halka Ap iyo KRF la sheegay inay ahaayeen labada xisbi ee ugu olole xumaa. Frp ayaa isagana la sheegay inuu la yimid olole doorasho oo si heersare ah u abaabulan.

Gudoomiyaha xisbiga SV Audun Lysbakken ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inuu ku guuleystay abaabulka, kicinta iyo fariin gaarsiinta dadka la dhacsan siyaasada SV, awoodeyna inuu xisbiyada kale ee garabka bidixda kasoo kasbado taageerayaal cusub oo badan.

Bilo kahor waxaa laga cabsi qabay in SV uu ka hoosmaro codadka ugu yar ee xisbi laga rabo si uu baarlamaanka uga mid noqdo, laakiin waxaa muuqato in doorashadan uu SV heli doono 4-6%, marka laga qiyaas qaato codbixinadii ugu danbeeyay ee qaabka online-ka ah loo qaaday.

Xisbiyada MDG iyo Rødt ayaa iyagana dhankooda lagu amaanay inay la yimaadeen qorshe doorasho oo fiican.

KRF ayaa la sheegay inay ku guuleysan waayeen soo bandhigista siyaasadooda iyo rabitaankooda doorashadan, waxaana la sheegay in xisbiga uu hareeyay kala hadal iyo hadal fasiix la´aan.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments