Reysulwasaaraha Sweden oo mooshin laga keenay.

0
113
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Xisbiga xafjirka dhanka midigta ah ee Sverigedemokraterna ayaa maanta baarlamaanka Sweden horgeeyey mooshin kalsooni kala-noqosho oo ka dhan ah ra’iisalwasare Stefan Löfven. Mooshinkan ayaa sabab looga dhigay  sida xukuumadda Stevan ay u maaraysay fadeexadii IT-ga ee hey´adda hoggaanka gaadiidka.

Sida uu qorayo xeer hoosaadka baarlamaanka Sweden, ugu yaraan 35 xildhibaan ayaa loo baahan yahay si mooshin noocaas ah loogu gudbiyo baarlamaanka. Xisbiga SD xil-dhibaanada uu ku leeyahay baarlamaanka Sweden waxa ay gaarayaan 47 xil-dhibaan.

Mooshinkan ayaa ka dib marka labo goor la soo hordhigo kala-fahdiga baarlamaanka oo laga dooda la cod gelin doonaa. Sida la saadaalinayo baarlamaanka waxa uu mooshinka cod u qaadi doonaa ugu horeyn maalinta jimcaha. Si mooshinku u meel-maro waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 175 xil-dhibaan oo cod ku taageera.

Sverigedemokraterna horey waxa ay u dalbadeen inuu ra’iisalwasaare Stefan Löfven shaqada ka cayriyo saddex wasiir inta aan la furin golaha baarlamaanka, wasiiradaas oo kale ahaa wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka difaaca. Mararka qarna waxa ayba ku doodayeen in ra’iisalwasaaraha laftirkiisa mooshin ay keenaan.

Laba ka mid ah wasiiradii dowladda way iskaga baxeen xukumadda, kuwaas oo kala ahaa wasiiraddii kaabayaasha dhaqaalaha Anna Johansson iyo wasiirkii arrimaha gudaha Anders Ygeman ka gadaal markii uu soo kordhay cadaadiska la xiriira fadeexadii IT-ga.

Baarlamaanka Sweden ayaa shalay ka soo noqday fasaxii xagaaga yeeshayna kalfadhigii ugu horeeyey sannad howl-leedka cusub.

Welina waxaa halkiisa shaqadii wasiirnimo ka sii wata wasiirka difaaca Peter Hultqvist. Taas ayaana keentay in xisbiga Sverigedemokraterna uu hadda ka gudbiyo mooshin kalsooni kala noqosho.

Hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson oo shalay laga waraysanayey barnaamijka Studio Ett ka baxa ee raadiyaha Sweden ayaa sida tan ka yiri mooshin kalsooni kala noqosho oo ay damacsan yahiin baarlamaanka in ay u gudbiyaan.

Xigasho/kilde: Radio-sverige-laanta-afka soomaaliga

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments