Frp: Listhaug waa lama taabtaan!

0
105

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in xisbiyada KRF iyo Venstre ay rabaan in Erna Solberg ay ku cadaadiyaan inay xilka ka qaado wasiirada arimaha soo galootiga S. Listhaug, ayna arintaas shardi uga dhigi doonaan wada shaqeyntooda.

Xubno katirsan Frp ayaa mar horeba sii banaandagay, iyaga oo sheegay in S. Listhaug ay tahay lama taabtaan, in xil loogu daro ma ahaane, aan midna laga qaadi karin. Listhaug ayaa xidig ka dhex noqotay xisbiga Frp iyo guud ahaan siyaasada dalkan Norway, tan iyo markii la wareegtay xilka wasaarada soo galootiga.

Xisbiga Venstre ayaa la sheegay inay rabaan inay iyagu qaataan wasaarada soo galootiga, waa hadii ay ku qancaan inay Frp iyo Høyre ay la shaqeeyaana.

Wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norway Per Willy Amundsen ayaa isna la sheegayaa inay seeftu dulsaarantahay, hadii KRF iyo Venstre ay ku qancaan la shaqeynta Frp iyo Høyre.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments