Denmark: Maxkamad wiil soomaali ah ku xukuntay 2 sano oo xabsi iyo musaafuris!!

0
156
Foto: Faksimile

Maxkamada magaalada Viborg ee dalka Denmark ayaa wiil soomaali ah oo 26-sano jir ah ku xukuntay labo sano oo xabsi shuruud la´aan ah iyo in musaafurin loo musaafurininyo Soomaaliya. Waxaaana u raaca in soo galitaanka Denmark laga mamnuucay mudo 12 sano ah.

Wiilkan 26-jirka ah ayaa lagu eedeeyay inuu geystay falal gacan ka hadal oo aad u badan, waxaana la sheegay in dhowr mar oo hore ay maxkamadi xukuntay.

26-jirkan oo magaciisa ay warbaahintu ku sheegtay Mahamud Abaas Muhamed ayaa dalka Denmark qoxootinimo ku yimid sanadkii 2006, isaga oo la socday qoyskiisa. Inkasta oo uu dalkaas degenaa mudo 11 sano ah, hadana wuxuu wali heystay sharciga magangalyada aan rasmiga aheyn, sida uu qorayo wargeyska Viborg.

Denmark ayaa kamid ah wadamada ugu ciqaabta adag wadamada galbeedka Yurub, marka uu qofku yahay soo galooti geystay fal danbiyeed. Hadii uusan qofku heysan dhalashada dalkaas, isla markaana uu dhowr mar galo falal danbiyeed, waxey ugu danbeyta keeni kartaa in loo musaafuriyo dalkii uu ku yimid.

Xigasho/kilde: Viborg-papir-avis-23-09-2018

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments