(Aftenposten) Listhaug: waxaan rabaa inaan wasiirka soo galootiga sii ahaado, howlo ayaa iga qabyo ah

0
113
Foto: Skjermdump/Aftenposten.no

Wasiirada soo galootiga oo xaley natiijada doorashada inta aysan soo bixin kahor sheegtay, ineysan hubin inay wasiir sii ahaan doonto iyo inkale, ayaa maanta wargeyska Aftenposten u sheegtay inay rabto inay sii heyso xilka wasiirka soo galootiga. Waxeyna raacisay inay jiraan qorsheyaal iyo qowlo ka qabyo ah, oo ay rabto inay dhameystirto.

Listhaug oo xaley markii ugu horeysay kamid noqotay golaha baarlamaanka cusub, ayaa shaki laga qabaa inay sii ahaanto wasiir, maadaama xisbiyada KRF iyo Venstre ay aad uga cabanayaan dhaqanka wasiirad Listhaug.  Qaar kamid ah xubnaha labadaas xisbi ayaa aaminsan in Erna Solberg ay ku qasbanaan doonto inay boorsado banaanka u dhigto Listhaug, si ay usoo xero-geliso Venstre iyo KRF.

Xisbiga FRP ayaa codadka ugu badan ka helay gobolka Møre og Romsdal oo ah gobalka ay Listhaug kasoo jeedo, baarlamaankana kasoo gasho. Taasna waxey xoojineysaa xujada ay FRP hordhigi doonaan Erna Solberg, marka ay isugu imaadaan miiska wadahadalka.

Listhaug ayaa Aftenposten u sheegtay inaysan wax qoomamo ah ka qabin booqashii ay ku tagtay Sweden iyo hadaladii kale oo ay sheegtay intii ay socotay ololihii doorashada.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments