Solberg: Macalimiinta iskuulada waxaa qabanaya sharciga taushetspliktiga

0
140

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa maalmo kahor warbaahinta ka sheegtay codsi ay u gudbineyso dadweynaha reer Norway, iyada oo ka codsaneyso inay soo jaajuusaan dadka qoxootiga ah ee dalkoodii dib ugu noqday kadib marka magangalyo Norway ka heleen kadib.

Listhaug ayaa si gaar ah codsi ugu dirtay macalimiinta iskuulada, iyada ka codsatay inay UDI-da soo wargeliyaan hadii ay maqlaan caruur leh inay wadankii ay waalidkood kasoo jeedeen ay fasax ku tageen.

Ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta dalkan Norway ayaa arintaas ka biyo diiday, iyaga oo sheegay inaysan sinaba arintaas u sameyn karin, maadaama ay meesha dhaawac u keeni karto kalsoonida iyo xiriirka ka dhaxeeya ardeyda iyo macalinka.

Solberg: Macalimiintu kuma jiraan

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa taageero weyn u muujisay ku dhiirigalinta Listhaug ee in qoxootiga warkooda UDI-da loo gudbiyo. Waxeyna sheegtay in dadka Norway magangalyo weydiista, kadibna ku noqda dalkoodii ay burburinayaan nidaamka magangalyada, isla markaana ay booska kala baxayaan dad magangalyo dhab ah u baahan.

[adsenseyu1]

Solberg ayaa dhanka kale sheegtay in macalimiintu aysan ku jirin dadka ay ka codsaneyso inay soo gudbiyaan warbixinta qoxootiga, iyada oo sheegtay in macalimiinta iskuulada uu qabanayo sharciga taushetspliktiga(sharciga waajibnimada qarinta sirta). Waxeyna sheegtay inay muhiim tahay in ardeydu ay ku kalsooni ku qabi karaan waxa ay macalinkooda la qeybsadaan.

Erna Solbery ayaa sidoo kale raacisay in qofku uu wadankiisa ku noqon, hadii ay jiraan xaalado deg-deg ah, sida dhimasho qoys, isla markaana uu kusoo wargaliyo laamaha dowlada.

Wasiirka waxbarashada Norway ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in macalimiinta aan loo arkin dadka u shaqeeya hey´adaha dowlada ee soo galootiga, isla markaana ay macalimiintu soo gudbiyaan wixii ay u arkaan danbi weyn oo wax u dhimi kara caafimaadka iyo nolosha ardeyga.

Xigasho/kilde: Aftenbladet/NTB

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments