fredag, april 19, 2024

Erna: Ma taageersani soo jeedinta FrP ee ah in taageerada laga joojiyo soo galootiga aan luuqada baran

Gudoomiyaha xisbiga FRP, ahna wasiirka maaliyada dalkan Norway ayaa maalmo kahor sheegtay in xisbigeed uu rabo in taageerada dhaqaale ee NAV laga gooyo soo galootiga aan luuqada ku baran mudo 5 sano gudahood ah.

Reysulwasaaraha Norway, Ahna gudoomiyaha xisbiga Høyre, isla markaana dowlada wadaaga ah kula jirto FRP, ayaa sheegtay in xisbigeedu uusan arintaas taageersaneyn. Iyada oo sheegtay in taageerada dhaqaale ee dowlada aan lagu xiri karin aqoonta iyo firfircoonada qofka, maadaama ay dadku kala duwanyihiin.

[adsenseyu1]

Xukuumada Norway ayaa bishii Juni ee sanadkan meelmarisay sharci dhigaya in qofka soo galootiga ah uusan xaq u yeelin doonin lacagta la siiyo waalidiinta heysta caruurta yar-yar ee aan dhigan xarumaha xanaanada. Solberg ayaa aaminsan in arintaas ay aheyd mid muhiim, laakiin in wixii halkaas dhaafsan aan qofka taageerada dhaqaale looga jari karin, sababtoo ah wuxuu baran waayay luuqada.

Xigasho/kilde: MSN/NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x