NR: Waxey u badantahay in 52% ay doorashada ku guuleystaan xisbiyada bidixda ee Ap uu hogaaminayo

0
150

Qiyaas iyo saadaalin ay sii sameysay hey´ada xisaabaadka Norway ee Norsk Regnesentral ayaa lagu sheegay in xisbiyada garabka bidix ee Ap iyo xulafadiisa ay u badantahay inay ku guuleystaan doorashada baarlamaanka Norway ee nagu soo aadan. Waxeyna saadaaliyeen inay heli doonaan 88 kursi oo baarlamaanka ah, tiradaas oo siineyso aqlabiyada baarlamaanka Norway oo ka kooban 169 mudane.

Jaaniska ah in Ap, Sv iyo Sp ay ku guuleystaan aqlabiyada baarlamaanka ay xaruntaas ku qiyaastay 52%, halka Ap, Sp iyo KRF ay ku qiyaastay 56%.  Ap ayaa u muuqdo inay taageero uga baahnaan doonaan xisbiyada MDG iyo Rødt oo ay iska fogeynayaan inay la shaqeeyaan.

Xarunta ayaa saadaalisteeda ku sheegtay in jaaniska Høyre, Frp, KRF iyo Venstre ay helaan aqbaliyada baarlamaanka uu yahay 9% oo kali ah. Waxey kale oo ay saadaaliyen in xisbiga Venstre uusan sanadkan ka hoosmari doono tirada looga baahanyahay xisbiyada, si ay baarlamaanka uga mid noqdaan.

NR ayaa saadaalisay in xisbiyadan ay baarlamaanka ka heli doonaan tirada: Ap(56), Høyre(42), Frp(24), Sp(28), SV(8), Venstre(3), KRF(8), MDG(5), Rødt(3). Sida ay saadaalisay NR, Isku dar xisbiyada garabka midig ayaa heli doono 77 mudane oo baarlamaanka ah, halka garabka bidixna ay heli doonaan 85, sidaasna ay baarlamaanka ku yeelan karaan aqlabiyad.

Xigasho/kilde: ABC-NYEHER.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments