Boqolaal qoxooti ah oo qorsheynaya inay Finland kasoo qaxaan, si ay Sweden magangalyo u weydiistaan

0
129

Koox magangeliyo doon ah oo Finland ku sugan ayaa qorsheynaya in bilowga bisha september ay ka soo tillaabaan xadka Sweden iyo Filand, si ay magangeliyo uga weydiistaan Sweden. Afhayeen u hadlay kooxdaan qaxootiga ah ayaa sheegay in tiradooda gaarayso boqolaal oo laga yaabo xataa in ay gaarto kun iyo ka badan.

Arrintan ayaa boliska xadka iyo hay’adda socdaalka Sweden ee Migrationsverket haddda u sii diyaar garaoobayaan

Ha, waa la soconaa xogta arrintan, waana u sii kuurgeli doonaan wax ka jira xogtaan, ayey tiri Lisa Danling oo warbahinta u qaabilsan hey’adda Migrationsverket. Haddii ay dhacdo in tiro badan magangeliyo ka dalbato halkan heegan ayaan u nahay. Maxay ka micno tahay? Waxay ay ka micno tahay in aan haysano hawl-wadeenadii qaabili lahaa oo qaban lahaa dalabyadooda magangeliyo, ayey tiri.

Todobadkii ugu dambayey ayaa aaladaha bulshada iyo wargeysyo ka soo baxa Finland lagu baahiyey war sheegaya in magangeliyo doon u badan dad Ciraaq ka yimid ay qorsheynayaan todobaayada soo socda inay ka soo talaabaan xadka Finland iyo Sweden ee Haparanada/Torneå.

[adsenseyu2]

Nuor Dawood ayaa ah afhayeenka kooxda magangeliyo doonka ah:

Waxaa dhaci karta tiradeena in ay noqoto inta u dhaxaysa boqolaal illaa kun ruux, xataa way dhaci karta in aan ka badnaano. Marka hore waxa aan la xaajooneynaa boliska xaduuda ee Finland si ay noogu ogalaadaan in aan lug uga tillaabno xaduudda oo aan lug ku galno Sweden si aan magangeliyo waddankas uga dalbano, ayuu yiri Nuor Dawood.

Sida uu sheegay tillabada ay damacsan yahiin in ay qaadaan ayaa la xiriirta sidii ay ku muujin lahaayeen saluuga ay ka qabaan siyaasadda magangeliyada ee Finland ay kula dhaqanto qaxootiga ka yimid dalka Iraaq kuwaas oo loo diido magangeliyo kadibna dalkas laga masaafuriyo.

– Waxa aan rajeyneynaa ayuu yeri Sweden in ay na qaabili doonto oo nasiin doonto deganaansho .

Caadiyan xaduudka labada dal kala qaybiya ee Haparanda iyo Torneå ayaa ah mid furan.

Boliska xaduudaha Sweden ayaa ayaguna sheegay in baaritaan ugu jiraan xogtaan la xiriiirta xaqootiga doonaya in ay xaduudda ka soo tillaabaan.

Lisa Danling oo iyada u qaabilsan warbaahinta hey’adda Socdaalka, waxa ay sheegtay dalab kasta oo magangeliyo in goonidiisa loo qiimaynayo oo ay dhaci karto in ka reebitaan loo sameeyo laakiin ay mar kasta xeerka laga duulaya uu yahay xeerka heshiiska Dublin oo micnahiisa yahay qofkii horey magangeliyo uga dalbaday Finland in dib loogu celinayo waddankas.

Xigasho/kilde: Laanta afka soomaaliga ah ee Radio-Sweden. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments