Wax badan ogow: Qaabkan ayay xisbiyadu rabaan inay u wada-shaqeeyaan doorashadan

0
183
Foto: VG.NO

Waxaa 17 maalmood oo qura inaga xigto doorashada baarlamaanka dalkan Norway, waxaana meel sare mareyso ololaha doorashada iyo hardanka ay xisbiyadu kujiraan, si ay u helaan codadka ugu badan.

Hadaba waxaan halkan kusoo gudbineynaa qaabka ay xisbiyada siyaasada dalkan Norway rabaan inay doorashadan u wada-shaqeeyaan, ama xisbiyada uu xisbi walba rabo inuu isbaheysi siyaasadeed la dhisto:

Garabka Midig:

Høyre: Xisbiga muxaafidka ah ee Høyre waxa uu dagaal xoog leh ugu jiraa sidii uu u heli lahaa afar sano oo cusub oo uu wadanka ku maamulo. Høyre iyo Erna Solberg waxa ay isku dayayaan inay lasii shaqeeyaan afarta xisbi ee hada ay xulafada yihiin, laakiin waxaa heysato dhibaato weyn oo ah sidii ay isugu keeni lahaayeen xisbiyadaas.  Høyre waxa ay rabaan inay la shaqeeyaan Frp, Venstre iyo Krf, laakiin KRF ayaa diidan inuu la shaqeeyo FRP, halka FRP dhankiisa uu diidanyahay inuu kamid noqdo xukuumad aysan wasiiro ku laheyn. Fursada Erna Solberg ugu macquulsan waa inay isku hesho Venstre iyo FRP, ama inay xukuumad la dhisato FRP isla markaana ay taageero ka hesho KRF iyo Venstre (Taasna waxaa ilaa hada ka biyo diidan KRF).
Frp: waxa ay dabcan rabaan inay kusii jiraan xukuumada Erna Solberg, isla markaana ay taageero ka helaan Venstre iyo KRF. Laakiin KRF ayaa ka biyo diidan inay xukuumad kala mid noqdaan FRP, halka FRP dhankiisa uu diidanyahay inuu taageero xukuumad uusan wasiiro ku laheyn.
KRF: Waxa ay reysulwasaare u rabaan Erna Solberg, isla markaana waxa ay rabaan inay la shaqeeyaan xisbiyada midigta(Høyre iyo Venstre) marka laga reebo FRP, mana rabaan inay taageeraan xukuumad aysan kamid aheyn. Hadii ay taas dhici weydo, waxa ay taageeri karaan garabka bidixda, iyaga oo xukuumad la dhisan karo Ap iyo Sp. KRF waa jokerka doorashada sanadkan.
Venstre: Waxa ay la tacaalayaan inay helaan codad ku filan oo ay baarlamaanka uga mid noqdaan, laakiin waxa ay rabaan inay xukuumad la dhistaan Høyre iyo KRF, iyaga oo u furan inay la shaqeeyaan FRP, ama ay taageeraan xukuumad Høyre iyo FRP ah. Marnaba ma rabaan inay la shaqeeyaan Ap iyo Jonas Gahr Større.
Ap: Waxa ay isku rabaan inay wadanka maamulkiisa qabsadaan, waxa ayna doorbidayaan inay la shaqeeyaan SV iyo Sp. Waxey dhanka kale u baaqayaan KRF oo ay rabaan inay la shaqeeyaan, hadii SV uu heli waayo codad ku filan oo uu baarlamaanka uga mid noqdaan. Ma rabaan inay la shaqeeyaan Rødt iyo MDG, laakiin waxaa dhici karto inay ku qasbanaadaan inay labadaas xisbi taageero weydiistaan.
Sp: Waxaa xisbiga ku yimid hor u kac aad badan bilihii ugu danbeeyay, waxa ayna rabaan inay mar kale soo ceshadaan isbaheysigii Ap, SV iyo Sp. Waxa ay dhanka kale u furanyihiin inay la shaqeeyaan KRF, hadii ay dantu ka maari weydo.
Sv: Waxa ay reysulwasaare u rabaan Jonas Gahr Større, waxeyna rabaan inay la shaqeeyaan Sp iyp Ap. Hadii la shaqeeyaan Ap, waxa ay wataan shuruudo adag oo ay Ap hordhigi doonaan, si ay ula shaqeeyaan. Hadii ay xukuumad kamid noqon waayaan, waxay diyaar u yihiin inay taageeraan xisbiyada Sp, Ap iyo KRF. Waxayna isku dayayaan inay ka bad-baadaan hoos u dhac, si ay baarlamaanka uga mid noqdaan, isla markaana ay Ap uga leexiyaan baaqa uu KRF u dirayo.
MDG: Waxaa lagu imtixaamay deegaan iyo cimilo, waxa ay baarlamaanka ku leeyihiin hal xildhibaan oo kali ah. Ma cada cida ay rabaan inay la shaqeeyaan, laakiin waxa ay sheegeen inay furanyihiin waxa shaqeynta xisbi walba, marka laga reebo FRP.
Rødt: Kuma jiraan baarlamaanka Norway, waxa ayna dadaal ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen codad ku filan oo ay baarlamaanka uga mid noqdaan. Waxa ay reysulwasaare u rabaan Jonas Gahr Større.

Sidaas ayey xisbiyadu ilaa hada sheegeen inay rabaan inay wada shaqeeyaan, laakiin waa siyaasad oo wax walba waa la fili karaa, waxaana laga yaabaa inuu yimaado isbadal deg-deg ah oo xisbiyada ku saabsan iyo cida ay rabaan inay la shaqeeyaan.

[adsenseyu2]

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments