Ap: xisbiyadan ayaan la shaqeyn doonaa doorashadan

0
122

Gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha ee Ap oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn Norway ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska VG maalmo kahor ku sheegay xisbiga ay rabaan inay la shaqeeyaan doorashada baarlamaanka ee dhawaan dhici doonto.

Jonas Gahr Større ayaa wareysigiisa ku sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dhamaan xisbiyada kujira baarlamaanka si ay u meel-mariyaan kiisaska ay markaas rabaan inay aqlabiyad u helaan. Balse wuxuu sheegay inay wada-shaqeyn dhab ah dhex-mari karto dhamaan xisbiyada, marka laga reebo Høyre iyo FRP.

Større ayaa sheegay inuu doorbidayo dowlad ay la dhistaan xisbiyada Sv iyo Sp, balse ay u furanyihiin inay wada shaqeeyaan xisbiyada kale ee KRF iyo Venstre, waase hadii ay isku waafaqaan qodobada qaar.

Ap  ayaa dhanka kale sheegay ineysan suurtogal aheyn dowlada ay la dhistaan xisbiyada yar-yar ee bidixda xiga ee Rødt iyo MDG.

Venstre ayaa dhankooda sheegay ineysan suurtogal aheyn inay wada-shaqeyn dhexmarto Ap oo ay ku sheegeen ineysan waxbo dhaamin FRP oo ay hada bahwadaag dowlada ku yihiin.

Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono ololihii doorashada, iyada oo ay bil iyo maalmo ay ka harsanyihiin doorashadii baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde: Nettavisen,  VG

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments