Hey´ada socdaalka oo kulan la qaadaneyso Soomaalida Norway

0
195
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dhowr qof oo kala duwan oo soomaali ah, kuwaas oo waraaqado casuumaad ah ka helay UDI-da, hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ayaa kulan la qaadaneyso soomaalida Norway, gaar ahaan dadka ay soo wajaheen xaaladaha adag ee dhanka sharciyada ah. Kulankaas ayaa sida la sheegay noqon doono mid warbixino ay UDI-du soomaalida ku siin doono.

Sida ku xusan warqadaha casuumaada, wuxuu kulankaas dhici doonaa 7-da bisha soo socoto ee September, wuxuuna ka dhici doonaa xarunta hey´ada bisha cas ee magaalada Oslo.

Labadii sano ee ugu danbeeyay waxaa aad usoo badanayay dhibaatooyinka iyo caqabadaha dhanka sharciyada kasoo wajahayay soomaalida ku dhaqan dalkan Norway, iyada oo ay jiraan ilaa 1600 soomaali ah, kuwaas oo intooda badan jawaab ka sugayo codsiyadooda, kadib markii la sheegay in dib u qiimeyn lagu sameyn doono magangalyadooda.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments