U.N: Xulufada Sucuudiga ayaa ka danbeeyay xasuuqii lagu dilay 42 qof ee soomaalida ah

0
134

Guddiga loo saaray baaritaanka Xasuuqii loo geystay qoxootigii soomaaliyeed lagu laayay doonta mareysay badda cas bishii Maarso ee sanadkan, ayaa sheegay in xulafada Sucuudiga ay ka danbeeyeen xasuuqaas.

Qoraalka Guddiga oo qeyb kamid ah ay heshay wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in weerarkii bishii Maarso lagu dilay in ka badan 40 qof oo Soomaali ah ay geysteen isbaheysiga ama xulafada Sacuudiga. Warbixinta ay soo saareen guddiga baaritaanka ku waday weerarkii lala beegsaday doonidii ay saarnaayeen qoxootigan soomaaliyeed oo gaarayay 140 qof, ayaa Isniintii loo gudbiyey golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixintan ayaa lagu qeexay nooca hubka loo adeegsaday weerarkaasi iyo diyaarada nooceeda oo lagu sheegay Helikobter ama nooca qumaatiga uu kaca oo kasoo duushay markab dagaal oo ku sugan xeebaha Yemen. Sacuudiga iyo Imaaritaaniga ayey labaduba ciidamo iyo Maraakiib dagaal ka joogaan bada dalka Yemen.

Baaritaankan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka ku jira isbaheysiga Sacuudiga ay diideen inay la shaqeeyaan guddiga baaritaanka waday, iyagoo iska fogeynaya in lagu helo danbiyada lagu heysto, waxaana warbixintan lagu qeexay in dalalka isbaheysigaasi ku jira mid waliba isku dhex qarinayo magaca Isbaheysiga si aan dacwad gaar ah loogu qabsan dal gaar ah.

Xigasho/kilde: New-York Times

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments