Soo jeedinta listhaug waxaa horistaagi karta maxkamada xuquuqul insaanka Yurub

0
190
Listhuag

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa shaley soo jeedisay inay rabto in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta, iyada oo dhanka kale raacisay in waalidiinta loo ciqaabo, hadii arintaas la raaci waayo.

Listhaug ayaa arintaas ku micneysay in wax laga xumaado ay tahay in gabdhaha yar-yar loo xiro xijaab, iyaga oo jirkooda laga asturayo raga waaweyn, waa sida ay hadal u dhigtaye.

Anine Kierulf oo kamid madaxda heyáda qaran ee xuquuqul insaanka dalkan Norway ayaa warbaahinta maanta u sheegay in soo jeedintaas ay meel ka dhac ku tahay xeerarka xuquuqul insaanka Yurub, isla markaana ay ka hor imaan karto maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa dhowr jeer horey u meel-marisay xeerar ku saabsan mamnuucista xijaabka, laakiin waxey mar walba ka fiirineysay faa´iidada mujtamaca ugu jirta arintaas, sida uu sheegay Anine Kierulf. Isaga oo raaciyay in qaabka ay Listhaug arintaas u dhigtay ay u egtahay mid ay u badantahay in maxkamadu ay diido ama horistaagto.

Dhanka kale qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka ayaa Listhaug ku eedeeyay inay arintan ku kasbaneyso codad xiliga doorashada, isla markaana aysan dhab ka aheyn .

Xigasho/kilde: Dagbladet.no,  Dagen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments