Sweden: Sadex dhalinyaro soomaali ah oo lagu eedeeyay inay kufsadeen haweeney 40-sano jir ah

0
88

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Sweden, booliska magaalada Stocklom ayaa soo qabtay sadex dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo looga shakinsanyahay inay ka danbeeyeen fal kufsi wadareed ah oo ka dhacay agagaarka Barkarby ee magaalada Stocklom.

Sida ay boolisku sheegeen, dhalinyaradan soomaalida ah ayaa loo badinayaa inay yihiin kuwii falkaas kufsiga ah ka danbeeyay, iyaga raaciyay in la hayo cadeymo dhowr ah oo isku xiraya falka kufsiga ah iyo dhalinyaradan soomaaliyeed. Sadexdan wiil oo ay boolisku qabteen ayaa da´ ahaan kala jiro 16, 17 iyo 18-sano, waxeyna kuligood heystaan dhalashada dalka Soomaaliya(dhalashada sweden ma heystaan).

Wargeyska Aftenbladet oo la hadlay qaar kamid ah howl-wadeenada booliska ee falkaas baaritaanka ku haya, ayaa qorayo in la hayo cadeymo sheegaya in dhalinyaradaas ay yihiin kuwii dhabta ahaa ee falkaas ka danbeeyay.

Dhanka kale qareemada u doodaya dhalinyaradan ayaa sheegay in sadexdan wiil aysan ka danbeyn falkaas, iyaga oo iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.se,  Nyheteridag.se

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments