NTB: Qaadka ay qabtaan ilaalada xuduudaha Norway oo labo jibaar kor u kacay

0
141
Foto: Tollvesenet

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa sanadkan aad u kacay tirada qaadka ay qabtaan ilaalada xuduudaha dalkan Norway. Waxaana ku yimid kor u kac dhan labo jibaar, marka lala barbardhigo sanadkii hore ee 2016.

Isniintii lasoo dhaafay, waxaa Airportka Oslo lagu qabtay nin 24 sano jir ah oo heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo Kenya kala yimid 36 kiilo oo qaad ah. Wuxuuna ka koobnaa 24 kiilo oo qaad cusub ah(Fresh) iyo 16 kiilo oo qaad ka nooca la qalajiyay ah.

Wado cusub oo qaadka lasoo marayo:

Sida uu sheegay Tor Fredriksen oo ah madaxa qeybta ee ilaalada xuduuda Oslo, qaadka soo gali jiray Norway ayaa wax badan hoos u dhacay, kadib markii qaadka laga mamnuucay dalalka U.K iyo Holland. Isaga oo raaciyay inay u muuqato in tahriibayaasha qaadku ay heleen wado cusub oo qaadka lagu soo galiyo Norway, isla markaana ay qaadka hada kasoo galiyaan Afrika iyo bariga dhexe.

80% qaadka ay qabtaan ilaalada xuduudaha Norway, waxaa lagu qabtaa Airportka Oslo ee Gardermoen.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments