MW Farmaajo oo xaflad sagootin ah u sameeyay safiirka xilka kasii daganayo ee dalka Sweden

0
155
Foto: Villa Somalia Sawirka: Madaxweyne Farmaajo iyo safiirkii hore ee Swden ee Soomaaliya.

Xarunta Madaxtooyada dowlada Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho waxaa shaley lagu qabtay munaasabad sagootin oo loo sameeyay safiirkii dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey Soomaaliya.

Foto: Villa Somalia

Madaxweynaha dowladda federaalka, Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha Madaxtooyada ayaa Safiirka qado sharaf kula qaatay Aqalka Madaxtooyada.

“Dawladda Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa Safiir Mikael Lidvall kaalinta mugga lahayd ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal intii uu hayey xilka Safiirnimo. Sidoo kale, dadaaladii ay ku bixisay Safaaraddu hawlaha gargaarka iyo arrimaha bulashada.” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Safiirka Dalka Sweden Mikael Lindvall ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay wada shaqayntii iyo garab istaaggii uu ka helay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddadii uu ka shaqaynaayey Safaaradda Dalkiisa, sidoo kale waxa uu ka warbixiyey qaar ka mid ah Mashaariicda Sweden dhawaan ka fulin doonto Soomaaliya.

Sweden ayaa dhawaan safiir cusub u magacowday Soomaaliya, kaas oo xilka kalaga wareegi doono Lindval. Andreas von Uexküll ayaa ah safiirka Sweden u fadhin doono Soomaaliya.

 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments