Dowlada Sweden oo fadeexad dhex-dabaalaneyso iyo xukuumada Lofven oo mooshin laga keeni karo

0
107
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay, waxaa dowlada Sweden harqiyay fadeexad weyn oo ka dhalatay kadib markii ay cadaatay in hey´ada gaadiidka dalkaas ay sahashay in si fudud lagu ogaan garay siro muhiim ah oo ku saabsan milatariga Sweden, sirdoonka Sweden iyo jaajuusiinta(spioner) u shaqeyso.

Siraha muhiimka ayaa waxaa la sheegay inay si fudud ku ogaan kareen shaqaale u dhashay Yurubta Bari, kuwaas oo ka shaqeynayay computerada hey´ada gaadiidka ee dalka Sweden. Shaqaalahaas ayaa ahaa kuwo ajnabi ah oo aan loo ogoleyn inay albaab u helaan macluumaadkaas, balse waxaa markii danbe la ogaaday inay si fudud ku ogaan kareen siro muhiim ah oo qaarkood tobanaan sano lasoo dhisayay sidii loo qarin lahaa.

Dowlada Sweden ayaa mudo labo sano ah isku dayeysay inay qariso fadeexadan, laakiin warbaahinta wadankaas ayaa banaanka keentay isbuucyo kahor.  Reysulwasaaraha Sweden, Stefan Lofven oo mudo ka aamusnaa fadeexadan, ayaa maanta lagu wadaa inuu shir jaraa´id ku qabto Stocklom, uuna ka warbixiyo arintan iyo talaabada ay Sweden ka qaadi doonto.

Mooshin kalsooni kala noqosho:

Dhowr xisbi oo kamid ah kuwa taageerada siiya xukuumada Lofven iyo waliba kuwa mucaaradka ah ayaa sheegay inay baarlamaanka keeni doonaan mooshin ku saabsan in kalsoonida lagala noqdo xukuumada Lofven.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments