Denmark: Ciraaqi nin soomaali ah ku dilay Denmark oo laga soo qabtay dalka Holland

0
213
Foto: Politiet

Booliska Denmark ayaa soo bandhigay warbixinta nin 35-sano jir ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu dil u geystay muwaadin 47 sano jir soomaali ah bishii October ee sanadkii 2016. Gacan ku dhiiglaha ay boolisku warbixintiisa soo bandhigeen ayaa lagu magacaabaa Hassan Hamid Mohamad, waxa uuna kasoo jeedaa dalka Ciraaq.

Ninkan ayaa marka uu dilkaas geystay kadib isaga baxsaday Denmark, waxaana dhowr bilood kahor laga soo qabtay dalka Holland oo uu xabsi ku galay, kadib markii uu dalkaas danbi ku geystay.

Sida ay boolisku sheegeen ninkan Ciraaqiga ah ayaa marxuumka geeriyooday ku dilay mindi, wuxuuna falkaas dilka ah ka dhacay xarun lagu soo dhaweeyo soo galootiga oo lagu magacaabo Center Sandholm. Marxuumka soomaaliga ah ee la dilay ayaa kunoolaa xaruntaas, halka gacan ku dhiigluhuna uu xaruntaas horey u degenaan jiray.

Maxkamadeynta ninkan ayaa magaalada Hillerød ka bilaaban doonto dhamaadka bisha October ee sanadkan aan kujirno, waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ku saabsan dil.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet,  BT.DK

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments