Orodyahanka asalkiisu uu soomaaliga ah yahay ee Maxamed Faarax ayaa mar kale ku guuleystay tartanka orodka dheer ee 3000 M ee Anniversary Games, kaas oo ka dhacay magaalada London. Maxamed Faarax oo horey ugu guuleystay afar biladood oo Olimbikada ah, ayaa hada isku diyaarinayo inuu ka qeybqaato tartanka orodka dheer ee 5000 M.