Midowga Yurub oo lacag siiyo jabhada Janjawiidka Suudaan, si ay u joojiyaan Tahriibayaasha

0
203

Midowga Yurub ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal adag ugu jiray, sidii ay u joojin lahaayeen tahriibayaasha kasoo jeedo Bariga Afrika, kuna soo wajahan dalala Yurub.

Midowga Yurub ayaa heshiisyo la galay Suudaan iyo Libya, si ay kor ugu qaadaan ilaalada ay ka hayaan xuduuda ka dhaxeyso labadaas dal, isla markaana ay u istaajiyaan tahriibayaasha kusoo fool leh bada u dhaxeysa Libya iyo Italy.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sidoo kale lagu ogaaday in midowga Yurub uu lacag siiyo jabhada Rapid Support Forces, oo ah jabhad asal ahaan ka tirsanaan jirtay jahhadii Janjawiidka, si ay u celiyaan tahriibayaasha. Midowga Yurub ayaa isku dayay inay qariyaan heshiiska qarsoodiga ah oo ay kula jiraan jabhadaas, iyaga oo ka bixiyay liiska ururada ay lacagta u diraan.

Heshiishyada ay EU-du la gashay dowladaha Liibiya iyo Suudaan, iyo kan qarsoodiga ah ee jabhada Janjawiidka ayaa miro dhalay labadii sano ee ugu danbeeyay, iyada oo ay yaraadeen dadkii kasoo talaabi jiray bada u dhaxeyso Liibiya iyo Italy.

Xigasho/kilde: BT.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments