M.A Dirir: Imaanshaha Kheyre iyo Ajandaha doorashada Frp

0
225
Mohamed Abdulkadir Diri: Wariyaha Somali Cable TV, Norway
Mohamed Abdulkadir Diri:
Wariyaha Somali Cable TV, Norway

Waxaa dalkan Norway kusoo wajahan reysulwasaaraha Soomaaliya Hassan Ali Kheyre, iyada oo sadex bilood oo kaliya ay naga xigto doorashada baarlamaanka dalkan Norway, xisbiyaduna ay isku diyaarinayaan ololaha doorashada iyo sidii ay awooda dowlada ku qabsan lahaayeen/kusii heysan lahaayeen.

Soomaalida Norway waa mid kamid ah qowmiyadaha soo galootiga ah ee awooda yar tayo ahaan Norway, waxaana dhacdo inaysan badanaa helin waxyaabaha ay xaqa u lahaayeen, ayna marar badan dhacdo in si bareer ah loogu xadgudbo iyada oo si gaar ah loo beegsanayo. Taas waxaa fududeeyay soomaalida Norway oo aan aheyn qowmiyad isku duuban oo talo mid ah leh, iyo anaga aan wax badan ka fahansaneyn xeerarka iyo sharciyada wadanka.

Dhibaatooyinka soomaalida Norway heysta aad bey u badanyihiin, balse waxaa ugu weyn arinta caruurta soomaalida ah oo  ay ay la wareegto hey´ada xanaanada caruurta dalkan. Sidoo kale waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay soo kordhay dhibaatooyin xaga sharciyada ah, oo aad moodo in si gaar ahaaneed loo beegsanayo soomaalida. Waxaa jiro shaki ay soomaalida Norway qabaan oo ku saleysan in dowlada Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah oo dib u celin ah la gashay dowlada Norway 2016, maadaama ay cadaatay in dowlada Soomaaliya ay heshiis la gashay dowlada dalka Denmark.

Taladeyda Hassan Kheyre: 

Mudane Reysulwasaare, talada aan ku siinayo waxey tahay, haku deg-degin heshiis aad gasho oo soomaalida dhib u keeno, kana fogow wax walba oo soomaalida dayacan wax u dhimi kara, kuna dadaal inaad dhowrto xuquuqdooda jaaliyadeed iyo karaamadooda bulsh ahaaneed.

Waxaa la ogyahay inay Norway soo gaareen labo wafdi oo ka socdo dowlada Soomaaliya, wafdi ka socday laanta socdaalka iyo wafdi ka socday wasaarada macdanta iyo batroolka. Ilaa hada wax war ah oo rasmi ah kama heyno ujeedka wafdigaas iyo socdaalkooda Norway, taasna waxey wax u dhimeysaa kalsoonida jaaliyada ay ku qabto wufuuda ka imaada Soomaaliya.

Fikir ahaanteyda, xukuumada talada heysa ee Norway, waxey leedahay, safarka kheyrana uga faaíideysan kartaa labo ujeedo oo waaweyn. Mid waa celinta qoxootiga ah oo ah kaarka ay lasoo suuq tagi karaan doorashadan 2017, iyo tan labaad oo ah heshiisyada shidaalka.

Tan shidaalka, waxaa xusid mudan in Norway iyo Kenya ay wada galeen heshiisyo ku saabsan qodida ceelal shidaalka, arintaas oo qeyb ka aheyd dacwadii murankii bada ee Soomaaliya iyo Kenya. Iyada oo ay si bareer ah u muuqatay in Norway la safneyd dhinaca Kenya, markii ay socotay dacwadii bada ee maxkamada aduunka.

[adsenseyu2]

Tan qoxootiga, FRP oo ah xisbi xagjir midigta ah, ahna xisbi aan qarsan naceyba uu u qabo soo galootiga, soomaaliduba ha ugu horeysee. FRP waxey dowlada ku dhex leeyihiin wasaaradaha ugu muhiimsan ee saameynta ku leh nolosha soo galootiga dalkan Norway. FRP waxey raadiyaan furayaal siyaasadeed oo ay ku galaan doorashada baarlamaanka ee dhici doonto sadex bilood kadib. Iyaga oo raba iney sameeyaan talaabo oo ku heli karaan kalsoonida codbixiyayaasha kasoo horjeedo soo galootiga, ayna kamid tahay inay galaan heshiisyo dib u celis si ay dadweynaha u tusiyaan inay ka dhab tahay balan-qaadyadooda.

Waxaa hubaal in Hassan Kheyre lasoo hordhigi doono heshiis dib u celin ah, hadii uusan awalba horey u jirin heshiis noocaas ah. In FRP uu rabo inuu heshiis la gala Soomaaliya, ma ahan wax cusub, oo tobanaan jeer ayey warbaahinta Norway ka sheegeen.

Maxaa la gudboon Hassan kheyre?!
Hassan kheyre waxaa la gudboon inuu ku adkaysto in dawladiisu ay cusub tahay, uuna u baahan yahay waqti Oo uga baaraan dago heshiisyada noocaan Oo kale ah. Xukuumada Somalia waxaa muhiim ah inay xasilinta iyo amniga xooga saarto iskana ilaaliso heshiis walba Oo ay wataan Kuwo aan danteena jeclayn Oo raba inay furo siyaasadeed ka dhigtaan kuna raadinaya codad ay ku helaan september 2017.

WQ: Mohamed Abdulkadir


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaaga aan la qeybsato bulshada soomaaliyeed, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments