Kongsvinger: Ilaalada xuduudka oo mar kale qabtay rag soomaali ah oo qaad Norway soo galinayay

0
114

Sida uu qorayo wargeyska lokalka ah ee Glåmdalen, ilaalada xuduudka Norway ayaa markii labaad mudo labo isbuuc gudahood ah, qabtay rag soomaali ah oo qaad Norway soo galinayay.

Ilaalada xuduudka ayaa wargeyskaas u sheegay inay shaley galabtii qabteen labo nin oo soomaali ah oo Norway soo galinayay qaad dhan 22 kiilo. Labadan nin ee soomaalida ah oo ay qabteen ayaa heysto dhalashada Norway, balse waxay labaduba asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya, waxeyna deganyihiin Drammen iyo agagaarkeeda.

Ilaalada xuduudka ayaa sheegay inay meel dheer ka arkeen baabuurka ay labadas nin wateen, kaas oo qeybta danbe ay ka saarnaayeen boorsoyin dhowr ah. Waxeyna raaciyeen inay go´aansadeen in baaritaan ay ku sameeyaan boorsooyinka, iyaga oo halkaas kasoo helay kiilooyinkan qaadka ah.

Qaadkan ayey ilaaladu sheegeen inuu ilaa hada sanadkan uu yahay qaadkii ugu weynaa oo ay ku qabteen xuduudka.

Xigasho/kilde: Glåmdalen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments