Imisa qof oo soomaali ah ayey ilaa hada dowlada Denmark kala noqotay magangalyada?

0
190

Warbaahinta Denmark ayaa mar kale maanta hadalheyso xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, iyada oo markan aad loo hadalhayo hadalka uu safiir Fiqi ku sheegay ineysan Soomaaliya wax heshiis dib u celin ah kula jirin Denmark.

Dowlada Denmark ayaa sanad kahor soo saartay go´aan ay ku sheegeyso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 800 oo soomaali ah, kuwaas oo dalkaas sharciyo magangalyo ku heysto. Qaarkoodna ay degenaayeen mudo ku dhow 10 sano, shaqooyin iyo waxbarashada ay dalkaas ku wataan.

Sida ay qorayaa wargeysyada Politiken, Informasjon iyo Berlinske, dowlada Denmark ayaa ilaa hada 74 qof oo soomaali ah kala noqotay sharciga magangalyada, iyaga oo lagu wargeliyay ineysan u baahneyn magangalyo. 2 qof oo dadkaas kamid ah waxey heleen diidmada kama danbeysta ah ee cusbooneysiinta sharciga magangalyada, waxaa lagu wargaliyay inay dalkaas isaga baxaan ugu danbeyn ilaa 10-ka bishan Juni.

Xigasho/kilde: Berlinske, Politiken, Informasjon.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments