Soomaalida oo kujira kaalinta 1-aad ee dadka ugu badan ee qaata dhalashada dalka Sweden

0
169

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, waxaa si aad ah sare ugu kacay dadka codsaday inay noqdaan muwaadiniin Swedish ah. Waxaana sidoo kale dhalashada Sweden ilaa hada sanadkan soo codsaday dad gaarayo 29.000, iyada oo la saadaalinayo in tiradaas ay noqon doonto 77.000 sanadkan dhamaadkiisa.

Arinta xiisaha leh ayaa ah inay sadex jibaar(x*3) ay kor u kacday tirada dadka heysto dhalashada U.K ee raba inay noqdaan Swedish. 1600 oo qof oo U.K u dhashay ayaa sanadkii lasoo dhaafay codsaday dhalashada dalka Sweden. Arintan ayaa lala xiriirinayaa ka bixitaankii U.K ee midowga Yurub, iyada oo jiraan dad badan oo ganacsigooda iyo noloshooduba ay ku xirantahay midowga E.U.

Soomaalida ayaa kujirto kaalinta koowaad ee dadka ugu badan ee sanadkii lasoo dhaafay noqday muwaadiniin Swedish ah, halka siiriyaanku ay kujiraan kaalinta 2-aad. Tirada dadka soomaalida ah ee qaatay dhalashada Sweden, ayaa waxaa sanadkii lasoo dhaafay ku yimid afar-jibaaran(x*4).

Soomaalida ayey xili ka badan dadka kale ku qaadataa inay soo codsadaan dhalashada ama jinsiyada dalka Sweden. Halka dadka kale ay sugaan shan sano oo kali ah, waxey soomaalidu sugaan 8 sano. Waxaa arintaas u sabab ah documentiyada Soomaaliya oo aan buuxin karin shuruudaha xaga amniga ee looga baahanyahay qofka soo dalbanayo jinsiyada Sweden.

Xigasho/kilde:Lidkopingsnytt.nu

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments