Dowlada Norway oo rabta in indho-shareerka laga mamnuuco goobaha waxbarashada

0
112

Shir jaraa´id oo ay shaley si wadajir ah u qabteen wasiirka waxbarashada iyo kan arimaha soo galootiga dowlada Norway, ayay ku sheegeen in dowladu ay rabto in indho-shareerka laga mamnuuco iskuulada iyo jaamacadaha dalkan Norway.

Wasiiradan ayaa sheegay in niqaabku uu xanibayo xiriir wanaagsan oo dhexmara macalinka iyo ardeyga, sidaas darteed uu caqabad ku noqon karo iskuulada iyo jaamacadaha waxbarashada.

Dowlada ayaa dhawaan baarlamaanka Norway u gudbin doonto soo jeedintan, iyada oo ay u badantahay in la ansixiyo.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in go´aanka ugu danbeeyo ee mamnuucista indho-dhareerka uu yahay mid ay gaari doonaan maamulka iskuulka ama jaamacada uu ardeygaas dhigto.

[adsenseyu2]

Ardeyda xoriyad isku mid ah hala siiyo:

Ururka ay ku mideysanyihiin ardeyda jaamacadaha ayaa dhankooda sheegay inay kasoo horjeedaan soo jeedinta dowlada, ayna rabaan in ardeyda la siiyo doorasho isku mid ah oo ay ku dooran karaan waxa ay rabaan.

Ururka ardeyda ayaa sheegay in waxa kali ah ee qof looga celin karo inuu wax kabarto jaamacada ay tahay, inuusan aqoon ahaan buuxin karin shuruudihii aqooneed ee looga baahnaa ardeyga jaamacada. Ayna wax lala yaabo noqon doonto, hadii qof laga celiyo inuu jaamacad wax ka barto, sababo la xiriira dharka uu qaato.

Wasiirka kumeel gaarka ah ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay in niqaabku uusan aheyn mid la jaan-qaadi karo, nidaamka waxbarasho ee dalkan Norway.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments