Amb. Fiqi: Majiro wax heshiis dib u celin ah oo ka dhaxeeyo Denmark iyo Soomaaliya

0
117

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiyo midowga Yurub, Danjire Cali Siciid Fiqi ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Politiken ee dalka Denmark, ku cadeeyay inuusan haba yaraatee jirin wax heshiis dib u celin ah oo ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Denmark.

Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay yeelatay dowlad cusub bishii Febraury sanadkan, sidaas darteed isaga oo ku hadlayo magaca dowlada ayuu cadeeyay inuusan jirin wax heshiis ah oo Soomaaliya ay kula jirto Denmark, si dib loogu celiyo qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan. Danjire Fiqi ayaa raaciyay inuu xiriir dhow la leeyahay madaxda dowlada cusub iyo madaxa laanta socdaalka Soomaaliya, sidaas darteed uu xaqiijin karo arintaas.

Hadalka Ambassador Fiqi ayaa maanta aad looga hadalhayaa warbaahinta Denmark, maadaama dowlada dalkaas ay horey u sheegtay iney heshiis la gashay wafdi ka socday xukuumadii hore ee Soomaaliya. Hadalka Fiqi ayaa burinayo hadalkii hore ee wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark ay ku sheegtay inuu jiro heshiis ay la galeen dowlada Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Denmark ayaa horey u sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 800 oo qoxooti soomaaliyeed oo dalkaas kunool ah. Ilaa 100 qof ayaa ilaa hada ay Denmark ka ceshatay sharciga magangalyada, iyada oo boqolaal kalena ay sugayaan jawaabta wareysiyadii laga qaaday.

Wareysiga Ambassador Fiqi ayaa abuuri doono jahwareer ku saabsan cida ay Denmark sheegeyso iney la gashay heshiis. Heshiiskaas oo ay sheegeen inuu ahaa mid afka(aan qoraal aheyn). Halkan ka akhri warka heshiiskaas ku saabsan.  

Wargeyska Politiken ayaa wasiirada soo galootiga dalkaas weydiiyay inay wax ka tiraahdo hadalka Ambassador Fiqi, balse waa ay ka gaabsatay. Iyada oo raaciyay inay mudo badan wadeen howl shaqo oo ku saabsan sidii xiriir fiican ay ula sameyn lahaayeen dowlada Soomaaliya. Muhiimaduna ay tahay in dadka aan sharciga magangalyo ku heysan dalkaas, dib loogu celiyo wadankoodii.

Lama garan doono sida uu hadalka Ambassador Fiqi wax uga badali doono xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, iyada oo la isweydiinayo qaabka ay Denmark ula dhaqmi doonto dadka ay kala noqotay magangalyada ama ay qorsheyneyso inay celiso.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments