Abdijibar Ahmed: Rajaddii Soomaalida Norway Iyo Fuleynimaddii Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
136
Qoraa: Abdjibar Ahmed, Elverum Norway
Qoraa: Abdjibar Ahmed, Elverum Norway

Diplomasiyadda waa shey muhiim u ah marka laga hadlaayo wadan ama qaarad dhan. Soomaaliya waxay kamid tahay wadamadda baahidda weyn u qabo inay helaan diplomasi ka turjubaano danaha bulshada, taariikhda iyo waliba xalka dhibaatooyinka bulshada. Maalmahaan dambe waxaa aad loo hadal haayay socdaalkii wasiirka arrimaha dibadda dowladda federalka ee Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar oo maalmihii u dambeeyay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Norway.

Hadaba kulankaasi ma ahaa kulan ay rajo weyn ka qabeen Soomaalida Norway? Haa dabcan, dhibanayaal badan ayaa aad ugu baahi qabay in dhagahoodda kusoo dhacaan fariimo muhiimo u ah danaha Soomaalida ku dhaqan Norway. Kulankaasi waxaa kaloo ka qeyb-galay dhibanayaal rajeynaayay in wasiirka uu u haayo fariimo muhiim u ah bulshada. Laakiin, nasiib daro kulankaasi dad badan kuma aysan mahadinin. Hadaba, maqaalkaan waxaan si qoto dheer ugu qeexayaa, waliba aan diiradda ku saaraayo dhibanaha muuqda ee Mahad Abiib.

Yuusuf Garaad iyo Mahad Abiib:

Mudane Yuusuf Garaad, ayaa wargeyska VG u sheegay “innuusan cadeyn karin in Mahad Abiib uu dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya, balse ay cadahay innuu qowmiyad ahaan Soomaali yahay.” Mala isdhihi karaa hadalkaas waa hadal diplomasiyadeed mise sheekada waxay maraysaa “afkii baa jooqda gabay?” Mahad Abiib ayaa isku dayay innuu la kulmo wasiirka asigoo ugu booqday wasiirka hoteelkii uu ka deganaa magaaladda ee Grand. Balse nasiib xumo waa loo diiday innuu la kulmo.

Ma ahayn wax wanaagsan in wasiirka hadaladiisa laga dhex-fahmo/garto innuu yahay shaqsi ka cabsi qaba hadaladdiisa. Caadiyan waxaa loo baahnaa in wasiirka isticmaallo erayo diplomasiyadeed asigoo labada dhinacba ku qancini karo hadaladiisa. Bal ila arag fikradahii ay wadageen Soomaalida iyo dadka aanan Soomaalida ahayn.

Waxaa dhacda marmarka qaar marka aad buugg aqrinayso in markii aad labo bogg aqriso aad noqoto qof si u arko shey, markaad labo bogg kale aqriso inaad hadana isbedesho oo aad qofkale noqoto waa wax iska caadi ah oo ay arkaan dadka inta badan la socda nuxurka qoraalka buugga. Sidda ay warbaahinta NorSom News qortay, Waxaa jiray Wariye ka socdo wargeyska VG ayaa kasoo qeybgalay kulankii uu Yuusuf Garaad la qaatay Jaaliyadda Soomaalida Norway, wuxuuna wasiirka weydiiyay su´aal ku saabsan kiiska Mahad Abiib, iyada oo markaas wasiirka la guddoonsiiyay waraaqado (documents) ka socdo dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya ama cadeyn u ah in Mahad Abiib uu yahay muwaadin dhab ah oo kasoo jeedo Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Aqristoow bal adiga ayaan ku weydiiyay ma waxaa loo baahnaa in wasiirka la guddoonsiiyo waraaqadahaasi mise waxaa loo baahnaa innuu si fiican usoo aqristo xaaladda ay ku suganyihiin muwaadaniinta Soomaaliyeed iyo waliba dhibanaha muuqda ee Mahad Abiib? Dabcan waxaa loo baahnaa innuu ka qaado warqadaha asigoo xishmeynaayo wariyaha, waxaa kaloo loo baahnaa innuu wax badan kasoo ogaado asigoo soo aqriyay ama weydiinaayo dadkii masuuliyiinta u ahaa ama u ah dowladda federalka Soomaaliya gaar ahaan kuwii soo cadeeyay in Mahad Abiib uu ahaa muwaadan Soomaaliyeed.

Mahad Abiib innuu Soomaali dhalad yahay, waxaa si toos ah usoo xaqiijiyay dad taariikhda iyo dadyowga Soomaaliyeed aqqoon u leh sidda Professor Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ambassador Cali Saciid Fiqi. Intaasi oo kali sheekadda kuma eko, waxaa jirra in madaxii horre ee laanta socdaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Gaafoow ayaa mar uu wareysi siinayay SNTV ku sheegay in Mahad Abiib uu yahay Soomaali, isla markaana ay heleen warqado cadeynayo in Aabihii uu ahaa sarkaal katirsan ciidamada Soomaaliya. Sanadkaan 2017 Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu warqad uu usoo diray qareenka Mahad Abiib ku cadeeyay in dhalashada Mahad ay tahay Soomaali. Mudane Maxamed Cismaan ayaa mudo 19 sano degannaa dalkaan Norway, wuxuuna heystaa jinsiyada dalkaan Norway. Heiki Holmås ayaa NTB u sheegay “inuu Prof. Maxamed Cismaan u leeyahay aqqoon fiican, isla markaana uu yahay qof aad loogu kalsoonaan karo, shaqsi ahaan iyo waliba ka mas´uul dowladeed ahaanba.” Warqadaasi uu soo diray Prof. Jawaari intaas oo kali kuma ekaanin wuxuu kaloo si qoto dheer ugu qeexay in Aabaha dhalay Mahad Abiib uu ahaa sarkaal katirsan ciidamaddii cirka Soomaaliya, isla markaana uu Mahad ku dhashay magaalada Muqdisho, oo ahayd xaruntii ciidamadda cirka. Waxaa kaloo warqadaasi ku saxiixannaa taliyaha ciidamada cirka ee Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cali.

Waxaa kaloo xaqiijiyay in Mahad Abiib uu yahay Soomaali dhalad ah Ambassador Cali Saciid Fiqi, oo ah danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub. Waxaa la yaab leh, sidda ay NTB qoreyso, Cali Saciid Fiqi ayaa dowladda Norway ka caawiyo xaqiijinta dhalashada aqqoonsiga shaqsiyadeed ee Soomaalida ay Norway rabto inay wadankii ku celiso!!! Cajiib “Hadal badan haan ma buuxsho” aad ayuu u dadaalay Mahad Abiib, laakiin nasiib daro waxaa ku dhacday arrin lama filaan ah.

Aniga ka Cabduljabaar ahaan inta uusan imaanin wasiirka arrimaha dibadda waan aaminsanaa inaysan waxbo iska bedeli karin xaaladda dhibanayaasha Soomaaliyeed, balse rajadda aan ka qabay wasiirka ayaa ahayd in uu isticmaali karo hab-dhaqan diplomasiyadeed, taasi oo horseedi karto in shakiga bulshada loogu saaro, shakigaasi oo ahaa in dowladda federalka Soomaalida heshiis ay la galeen dowladda Norway heshiiskaasi oo ah heshiis dib u celin ah.

Wasiirka wuxuu si toos ah ugu sheegay su’aalooyinkii laweydiinaayay innuusan waxbo ka qabani karin xaaladda Soomaalida Norway, aysana ahayn shaqadiisa. Wasiirka waxaa waraaqaddo badan tusiyay Mahad Abiib asigoo ku tusinaayo innuu yahay Soomaali. Mahad Abiib wuxuu kaloo ku yirri inaan dalkeyga hooyo aado xittaa waa la ii diiday, calaacal badan kadib wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ugu jawaabay sidda tan “Waxaad noo sheegtay inaad Soomaali tahay, waraaqadahaan badan ee aad wadato wuxuu keenayaa shaki kale…” Hadana ixtiraam darada dadka Meesha kasoo qeyb galay ma ahayn inay ku qoslaan arrintaan oo kale ee waxay ahayd inay la yabaan hadalka uu bixiyay masuulkaan. Wasiirka si fiican ayuu u qoslay waliba si jees-jees iyo ixtiraam daro ah, waligay intaan noolaa ma arkin masuul hab-dhaqankaan oo kale leh. Xitaa ma uusan fahmin su’aasha uu weydiiyay wariyaha VG ka socday, balse markii dambe waxaa markale u turjubaanay dhalinyaraddii kasoo qeyb gashay kulanka waxayna dareemeen innuusan wasiirka fahmin su’aashii la weydiiyay….!! Cajiib Xittaa erayadda ingiriiska uu ku hadlay qalad ayaa ku jiray markii la weydiiyay su’aal ahayd inaysan dowladda Norway aqqoonsaneen waraaqadaha ka yimaado Soomaaliya.

Wuxuuna ugu jawaabay sidda tan “I answered to Mahad een.. een we as a government if we have a prove that he is Somalia, I respect all the documents he has been produced,… if we are sure he is from Somalia we will take him back… even if he is from other regions in other Somali we will take him back… markuu intaasi maraayo ayaa dhalinyaraddii meesha kasoo qeyb galay mid kamid ah ayaa yirri su’aasha uu ku weydiiyay siddaasi ma ahan.. yaab-yaabkiisa Erayga uu isticmaalay oo ahayd “he has been produced” waxaa qaldan halka uu u isticmaalay erayga “produced” sababtoo ah ma ahan badeecad/alaab lasoo saaro ee waa warqado. Waxaana loo isticmalaa printed, daabacad.

Dhibaatadda ugu weyn ee haysato Soomaalida Norway in badan ayaa laga hadlay waxna horey waan ugu qoray arrintaasi, wax kale ma ahan ee waa kala qeybsanaan ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed. Dhaqan ahaan Soomaalida wey ku adkaatay inay la jaan qaadaan ajaanibta kale ee ku sugan wadankaan, si ay wax badan ugu ogadaan wadciga ka jira dalkaan. Waxaan u sheegayaa Soomaalida ku dhaqan Norway inay u kabo gashtaan siddii ay iskuugu tashani lahayeen. Sababtoo ah cidwalbo oo Soomaaliyeed oo ku sugan Norway waxay ogtahay inay leeyihiin jaaliyad Soomaaliyeed balse yay wax u qabataa, maxay ka caawiyaan Soomaalida iyo waliba waalidiinta dhibaataysan oo caruurtooda laga qaatay? Waa waxbo, waxaana xaqiiq ah inaysan waxbo ka qabanin arrimahaasi oo dhan. Maxay tahay shaqada jaaliyadda hortaallo, maxaa loo aas-aasaa jaaliyad? Soomaalida waxaa loogu baahanyahay inay noqdaan kuwa dantooda yaqaano oo noqdo kuwa iskumideysan. Dhammaan arrimahaasi oo dhan waxaa sameyni karo waa jaaliyadda Soomaaliyeed, iyadoo isticmaalayso shirar loogu hadli karo danaha dhibanayaasha, waalidiinta caruurta laga qaatay, waliba qaababka lagu heli karo shaqooyinka dalkaan Norway. Heykalkii jaaliyadnimo wey maqantahay, bulshadana waxaa ka muuqato kala dheeraayo aad u sareyso.

W.Q: Abdijibar Ahmed, Hamar Norway. 


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaaga aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments